Home Afsomali Axmed Maxamed Xasan oo surka looga jarey dalka sacuudiga

Axmed Maxamed Xasan oo surka looga jarey dalka sacuudiga

Dowlada Sacuudiga ayaa xukun dil ah ku fulisay Muwaadin Soomaaliyeed, kadib markii uu dilay gabar Soomaali ah.

Wargeyska alriyadh oo kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa qoray in Muwaadinkan la qisaasay lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Xasan Cabdi, isagoo si ku tallo gal ah u dilay marxuumada Fatxiya Buule Xasan.

Gacan ku dhiiglaha la qisaasay ayaa dilka haweeneyda u adeegsaday toorey kadib markii uu uga dhacay Hooyga ay ka daganeed magaalada Jidah ee dalka Sacuudiga.

Dilka danbiilaha ayaa yimid kadib markii qoyska marxuumada ay boqortooyada Sacuudiga ka dalbadeen in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha la qisaasay.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay iyadoo la tixgalinaayo rabitaanka qoyska marxuumada la go’aansaday in xukun dil ah uu ku dhaco dilaaga.

Dhinaca kale,qisaasta oo ka dhacday meel fagaaro ah ayaa waxaa goobta ku sugnaa qoyska marxuumada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.