Baadariga hogaamiya kaniisadda Quddus Antonius Hanania ayaa si la yaab leh uga hadlay dhibaatada haysata dadka reer Falastiin.
Wuxuu isagoo si cajiib ah oo aan laga filayn uga hadlay aadaanka salaadaha ee ay dhibaatada ku qabaan Falastiiniyiinta maadaama ay duqayn ka socoto dhulkooda, meelaha qaarna aysan jirin korantadii lagu shidi lahaa cod baahiyeyaasha.
Baadarigaas wuxuu ka mid yahay dad aan badnayn oo gudaha Israa’iil ka soo jeediyey baqyo nabadeed, laakinse arrinta dadka ka yaabisay waa aad aanka saaladaha oo uu sheegay in haddii Falastiiniyiintu ay dhibaato kala kulmaan in ay ayagu u addimi doonaan.
“Waxay weerareen saxafiyad masiixiyad ahayd – Shereen Abu Caqleh – waxayna kaloo weerareen aaskeedii ayagoo doonayey in naxashkeeda uu dhulka ku dhaco, laakinse muslimiinta Falastiin ayaa naxashkeeda kor u qaaday oo difaacay” ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa ku sii daray in haddii qofka naxashka ku jira uu sheikh ahaan lahaa uu isagu u difaaci lahaa sidii muslimiintu u difaaceen Shereen.
“Waxaan kuu sheegayaa sida uu hore ugu celceliyey badarigii Emanuel Musalam, haddii ay Israa’iiliyiintu ka mamnuucaan walaalaheena muslimiinta ah ee reer Falastiin inay aadaanka kor ugu dhawaaqaan, aniga ayaa cod dheer aadaanka salaadaha muslimiinta ku addimi doona” ayuu yuru baadari Antonius Hanania oo u warramayey warbaahinta Huna Beirut.
Wuxuu waraysigaas kaga hadlay taageerada uu u hayo falastiiniyiinta, wuxuuna hadalkiisa ka dhignaa garab istaag uu u muujinayo dad ka reer Falastiin.
Wuxuu intaa ku daray “nabadda waxaa lagu gaari karaa wadahadal iyo wadaxaajood”, wuxuuna ku sii daray in masiixiyiintu ay door ka cayaari karaan sidii loo kobcin lahaa wadahadalkaas, loona dhiirri galin lahaa nabadda iyo cadaaladda gobolka.
Laakinse labada dhinacba uma muuqadaan kuwo xabbad joojin diyaar u ah.
Israa’iil waxay dhankeeda sheegaysaa in samaynayso qiyaastii saacad ama wax la mid ah oo dagaalka la hakinayo si arrimaha bani’aadminimada fursad loo siiyo.
Waxay sheegaysaa in aysan dagaalka iyo xabbadda joojin doonin inta ay Xamaas u qafaalan yihiin dad loo malaynayo inay ka badan yihiin 200 oo qof.
Fikradaas waxaa la qaba Ameerikaanaka iyo Ingiriiska oo ku doodaya in xabbad joojin haddii ay dhacdo ay taasi fursad siinayso Xamaas.
Ururka Xamaas wuxuu dhankiisa iska fogeeyey inuu ku xadgudbay dadka u qafaalan. Waxay kaloo beeniyeen inay dileen dad rayid ah sida laga soo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan hogaanka ururka Musa Abu Marzuuq mar uu waraysi siinayey BBC.
Wuxuu sheegay in aysan hadda dad kaas sii deyn karin maadaama Israa’iil ay duqayn waddo.
“Waannu sii deyn doonnaa, laakinse waxaan u baahannahay in marka hore dagaalaka la joojiyo” ayuu yiri Musa Abu Marzuuq oo ah hogaamiye ku xigeenaka dhinaca siyaasadda ee kooxda Xamaas.
Hadallada garawshiyaha ka muuqdo ee ka imaanaya dadka uu ka midka yahay baadari Antonius Hanania ayaa laga yaabaa inay noqdaan kuwo aan muddo fog sii socon karin, haddii ay duqaymaha sii xoogaystaan.