Home Afsomali Baarlamaanka oo xilkii ka qaaday raiisalwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre

Baarlamaanka oo xilkii ka qaaday raiisalwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kulan ku lahaa xarunta Villa Hargeysa ayaa foodo kusoo dhamaatay kadib markii xildhibaano katirsan golaha shaaciyeen in mooshin ka gudbiyeen Ra’isul wasaare kheyre kana qaadeen xilka.

Kulanka oo foodo iyo is mari waaa ka dhacay ayaa markii dambe Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan sheegay in Xildhibaanada golaha shacabka kalsoonida kala noqdeen Ra’isul Wasaare Kheyre.

Xildhibaanada mooshinkan deg dega ah soo abaabulay ayaa shaaciyay in kalsoonida kala noqdeen Ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kadib qaab gacan taag ah oo ay u codeeyeen.

Qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in afduub ka dhacay xarunta golaha, waxa ayna sheegeen in sharci daro tahay kalsooni kala noqoshada Ra’isul Wasaare Kheyre.

Waxii Warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.