, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XJFS
(MoHADM) Xil. Khadiija Maxamed Diiriye waxa ay guddoomisay kulan deg deg ah oo u
dhaxeeyay Wasaaradda Gargaarka Federalka, Wasaaraddaha Dowlad-Goballeedyada iyo
Maamulka Gobalka Banaadir, kulankan waxaa lagu muujiyay walaac aad u weyn oo ku aadan
xaaladdaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya kuwaas oo aad isku soo tarayay.
2.Waxaan si aad ah uga walaacsanahay in 5.9 Milyan oo Soomaaali ah kala bar tiradda dadka
Soomaaliyeed ay wajahayaan xaaladdo adag, waxaa ka mid ah dadka nugul carruur, haween iyo
rag waxa ay dadkaasi halis ugu jiraan inay waayaan adeegyada badbaadada u leh nolosha iyo
ilaalinta ay aad-ka ugu baahan yihiin. Haddii aan tallaabo laga qaadin wax ka qabashada farqiga
u dhaxeeyo maaligelinta iyo qiimaha waxa uu noqon karaa mid masiibo ah.
3.Xaaladda bani’aadanimada waxaa ka sii daray masiibo laba-cimilo ah – abaaro ka dhacay qaybo
ka mid ah dalka iyo daadad meelo kale – iyo saameynta xiisadaha siyaasadeed, COVID-19 iyo
ayaxa oo sannado badan soo laalaabtay.
4.Sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka iyo deeq bixiyaasha inay si deg deg
ah u helaan lacago dheeri ah oo lagu taageerayo howlgelinta buuxda ee Qorshaha ka jawaab
celinta arrimaha Bani’aadanimo ee Soomaaliya 2021, lana kordhiyo u doodista iyo in la hubiyo in
Soomaaliya aysan noqon dhibaato la iloobay.
5.Waxaan qireynaa horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey Soomaaliya sanadihii la soo
dhaafey iyo halista ka dhalan karta xilliyada cimilada ee waqtigaan la joogo guulaha la gaarey.
Waxaan garwaaqsanahay saameynta gaarka ah ee naxdinta cimilada sida abaaraha iyo daadadka
ay ku yeesheen haweenka, carruurta iyo dadka naafada ah. Sidaa darteed, waxaan
ballanqaadeynaa inaan sii wadno dadaallada lagu yareynayo dhibaatada ka dhalatay cimilada
sida daadadka iyo abaaraha sida qaar ka mid ah waxyaabaha aan mudnaanta siinayno isla
markaana aqoonsanno baahida degdegga ah ee loo qabo in la sameeyo waxa aan awoodno si loo
badbaadiyo nolosha.
6. Waxaan ka soo qaadaneynaa casharro laga soo qaatay sanadkii 2017 dadaalkii
bani’aadanimada ee guuleystey ee baajiyey macluusha, waxaana naga go’an inaan qaadno
dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah si aan ugu dhisno casharradan si aan ugu
sii wanaajino jawaabteenna wadajirka ah
7. Baaxadda dhibaatooyinka ka imanaya dhibaatooyinka cimilada ee soo noqnoqda iyo
saameynta ay ku leeyihiin malaayiin qof, iyo sidoo kale xasilloonida gobolka iyo koboca dhaqandhaqaale ee muddada-dheer, waxay u baahan tahay midnimo ujeedo iyo tallaabo ah. Xilligan la
joogo midnimo qaran iyo mid caalami ahba, qof kastaa wuxuu gacan ka geysan karaa jawaabta.
8. Mas’uuliyadda ficilku waxay khuseysaa dhammaan jilayaasha: Dowladda Federaalka,
Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, Maamulka Gobalka Banaadir odayaasha iyo
hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, bulshooyinka caqiidada, bulshada rayidka ah, ganacsiga
gaarka loo leeyahay, warbaahinta, qurba-joogta Soomaaliyeed, iyo la-hawlgalayaasha caalamiga
ah, oo ay ku jiraan Midowga Afrika. , deeq bixiyaasha iyo wadamada deriska ah.
9. Waxaan adkeyneynaa, gaar ahaan, doorka NGO-yada caalamiga ah iyo kuwa Qaranka, iyo
hay’addaha Qaramada Midoobay, bixinta gargaarka naf-badbaadinta iyo taageerada habnololeedka dadka u baahan mas’uuliyadda warbaahinta madaxa-bannaan oo ah ilaaliye
firfircoon, iyo bixinta warar joogto ah oo hufan oo ku saabsan dhibaatooyinka iyo jawaabta ay
siiso beesha caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya; doorka shirkadaha gaarka loo
leeyahay ay ka geysanayaan taakuleynta wacyigelinta iyo gaarsiinta sahayda, soo celinta
suuqyada wax ku oolka ah iyo gaarista kuwa ugu nugul iyo muhiimada ay leedahay Qurbajoogta
Soomaaliyeed, oo aan ku boorinayno inay kordhiyaan xawaaladaha Soomaalida ayna taageeraan
jawaabta gudaha iyo dibada labadaba.
10. Ugu dambeyntiina, waxaan ku heshiinnay in aan u doodno taageero dheeri ah oo ku saabsan
maal-gashiga muddada-dheer ah si loo dhiso adkeysi u yeelashada isbeddelka cimilada, iyo in la
jebiyo meertada dhibaatooyinka soo noqnoqda ee sababa silica badan isla markaana wiiqda
howlaha dowlad-dhisidda. Kaliya iyada oo loo marayo ficil deg deg ah, wadajir ah oo joogto ah
ayaan la kulmi doonnaa caqabadda degdegga ah ee maanta waxaanna dhisi doonnaa jawi
<span;>barwaaqo iyo nabadgelyo u leh jiilalka mustaqbalka ee Soomaaliya.