Home Afsomali baarlamaanka bakistaan oo shaqada ka eryey Raiisalwasaare  Imran Khan 

baarlamaanka bakistaan oo shaqada ka eryey Raiisalwasaare  Imran Khan 

Baarlamaanka Pakistan ayaa codeyn muddo la hadal hayay u qaaday kalsoonida Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Imran Khan kaddib markii lagu eedeeyay in uusan fulin ololihii iyo ballanqaadyadii uu xilka ku helay.

Khan ayaa dhumiyay Codka Kalsoonida, xubnaha mucaaradka oo soo abaabulay Mooshinkaan ayaa ku guuleystay maadaama ay heleen xubno kale oo Muxaafid ah oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda hab maamulka Wasiirka koowaad ee Pakistan.

Kahor codeynta inta aanay billaabin, Afhayeenka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Pakistan oo xulufo ay yihiin Ra’iisul Wasaare Imran Khan ayaa sheegay in Wasiirka koowaad ee xukuumadda uu diyaar u yahay in uu is casilo.

Qaar kamid ah xubnaha Baarlamaanka ee Xisbiga (PTI) ee Imran Khan ayaa xarunta Baarlamaanka isaga baxay inkasta oo aan loo joojin ama loo baajin fadhiga, waxa ay go’aankooda ku difaaceen in mooshinkaan uu yahay shirqool shisheeye wado.

Xilka Ra’iisul Wasaaraha Pakistan waxaa loo badinayaa in uu qaban doono Shehbaz Sharif oo la dhashay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaas Newaz Sharif oo ka socda Xisbiga Mucaaradka sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha loo dhaariyo Pakistan waxa uu xilka heyn doonaa ilaa October 2023 oo ku siman muddo xileedka Imran Khan loo doortay kaddib waxa uu geli doonaa Doorasho si haddii uu kalsooni helo uu shaqadiisa usii wato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.