Home Afsomali Baarlamaanka cusub oo qiimo dhimis balaaran u sameeyey mushaxariinta madaxweynenimo doonka ah...

Baarlamaanka cusub oo qiimo dhimis balaaran u sameeyey mushaxariinta madaxweynenimo doonka ah waxayna baabi.iyeen hamigii Hogaamiyeyaashii madasha

Kulana magaalada Muqdisho ay ku yeesheen labada Aqal ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ku saabsanaa ajendiyaal uu kamid ahaa arimaha doorashooyinka guddoonka labada aqal iyo madaxwyenaha.

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta go’aamiyay in musharaxiinta xilka madaxweynaha laga qaadi doono lacag dhan $30,000, halka musharaxiinta guddoonka labada aqal laga rabo $15,000.

Kulanka baarlamaanka maanta ayay xildhibaanada waxa ay ku diideen in guddiga doorashooyinka dadban ay ka mid noqdaan dadka kormeeraya doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale baarlamaanka ayaa waxaa uu ansixiyay in musharaxa Madaxweynaha uu  la yimaado illaa labaatan xildhibaan saxiixooda waxaana xildhibaan walba loo oggolaaday in uu saxiixi karo saddex musharax.

Kulankii baarlamaanka Aqalka Sare ayaa la isku raacay in ay kulankooda ugu horeeya ay yeelan doonaan marka la soo dhamaystiro senatarada gobolada waqooyi ka imaanaya oo doorashadooda dhowaan la qabanayo.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta waxa ay dib u celiyeen qorshe ay ku dooneysa dowlada Soomaliya gaar ahaan wasaarada Maaliyada in lagu ansixiyo miisaaniyada saddexda bilood ee soo socota.

Wasiirka Maaliyada dowlada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeeti oo horyimid baarlamaanka ayaa dib loogu celiyay waxayna xildhibaanada baarlamaanka ka dalbadeen in uu soo bandhigo xisaabcelinta qarashaadkii miisaaniyadii ugu dambeysay ee ay baarlamaanka ansixiyeen.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in aysan wasaarada maaliyada bixin mushaaraadka ciidamada iyo weliba mushaarka shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliyeed.

Kulanka maanta ayaa sidoo kale la isku raacay in la doorto guddi ka kooban 25 oo noqon doona guddiyada doorashooyinka iyadoo la isku raacay in kulan maalinimada berri ah ay yeelanayaan baarlamaanka guddigaas la doorto.

 

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.