Home Afsomali Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub

Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub

 

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Jowhar, iyaga oo kulankooda ku ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim luqmaan Xaaji Maxamed, iyada oo Xildhibaannada cod gacan taag ah ay ku ansxiyeen Golaha Wasiirada.

Guddoomiye luqmaan oo fadhiga Baarlamaanka soo xiray ayaa sheegay in dhamaan Xildhibaannada ay ogol ugu codeeyeen Golaha Wasiirada, sidaasina uu shirka ku xiran yahay.

laba habeen ka hor ayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen waxa uu Magacaabay Golle Wasiiro oo ka kooban 80 Xubnood, kuwaas oo isugu jira Wasiiro, wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.