Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey heshiiskii doorashada ee ay wada gaadheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, maammul goboleeddada iyo gobolka Banaadir.
Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, ayaa ay ahayd in ay maanta ka doodaan heshiiskii ay dhawaantan Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxda federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyada ee ku aadana nooca doorasho ee waddanka ka qabsoomaysa aakhirka sanadkan iyo bilowga sanadka soo socda.
Waxaana ansixiyey oo codka gacan taaggaa ugu codeeyey 252 xildhibaan, halka uu ka aamusay hal xildhibaan ayna diideen laba xildhibaan.
17-kii bishan Sibteembar ayey aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ay kala saxiixdeen heshiiskaasi.
Waxa ay madaxdu ku heshiiyeen in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo, hasayeeshee qodob ka mid ah qodobada lagu heshiiyay ayaa dhigayay in heshiiska la horgeeyo baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya, sidaas daraadeedna maanta ayet xildhibaannadu ka doodi doonaan heshiiskaasi islamarkaana ay cod u qaadaan.
Qodobada heshiiskii Muqdisho:
In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.
In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.
In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.
In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.
In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.
In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare.
In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah.
In doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.
In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.
Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada.
Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay.
Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.
Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.