Home Afsomali Baarlamaanka UK oo bilaabay ka doodista madax banaannida Somaliland

Baarlamaanka UK oo bilaabay ka doodista madax banaannida Somaliland

Kulan ay ku yeesheen Magaalada london Baarlamaanka UK ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay bilaabeen in muddo kooban ay dhegaystaan dood ku saabsan madaxbanaannida Somaliland oo uu usoo gudbiyay xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Magaalada Staffordshire

Doodda oo ah mid uu mudanaha ku soo gebagabeyn doono fadhiga maalinta ayaan la fileyn in wax go’aan ah uu ka gaaro baarlamaanka Uk.

Ma ahan markii ugu horreysay oo baarlamaanka UK uu dhegaysto dood ku aaddan aqoonsiga Somaliland oo sheegtay in 1991 ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Bishii December sanadkii 2019, 11 xildhibaan oo u badan xisbiga Labour-ka ayaa gudbiyay mooshin ah in baarlamaanka UK uu aqoonsado Somaliland, maadaama ay ahayd “maxmiyad ay Britain xukumi jirtay”.

Mid kamid ah xildhibaannadaas ayaa markii dambe ka noqday mooshinka.

Sidoo kale, golaha deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Birmingham ayaa horay u shaaciyay inay aqoonsan yihiin madax bannaanida Somaliland, walow taasi aysan wax badan soo kordhin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.