Home Afsomali Bakistaani lagu helay inuu u gefay Nebi Max’ed NNKH oo xukun dil...

Bakistaani lagu helay inuu u gefay Nebi Max’ed NNKH oo xukun dil ah lagu riday

Nin Macalin ka ahaa Jaamacad ku taalla dalka Pakistan ayaa lagu xukumay dil ka dib markii  lagu helay inuu aflagaadeeyay nebigeenaa suubanaa NNKH.

Junaid Hafeez oo 33 sano jir ah, waxaa la xiray bishii March 2013-kii, waxaana lagu eedeeyay inuu hadallo xushmad daro ah oo uu ka sameeyay Nabi Maxamed NNKH uu ku faafiyay baraha bulshada.

Qareenkii u doodi rabay Hafeez oo lagu magacaabay Rashid Rehman ayaa la dilay sanadkii 2014-kii, ka dib markii uu aqbalay in kiiska ninkaas uu difaaco, iyadoo Eedaha ku saabsan aflagaadeynta diinta ay halis weyn ka yihiin dalka Pakistan. Xitaa haddii aan lagu hubin qofka la eedeeyay wuxuu halis u galayaa in la dilo.

Ninkan ayaa muddo sanado ah ku xirnaa qol keligii u gaar ah ka dib markii uu xitaa weerarro kala kulmay maxabiistii kale ee uu la xirnaa.

Xukunka waxaa riday maxkamad ku taalla Xabsiga Dhexe ee Multan, halkaasoo ah meesha Hafeez lagu hayay, Wuxuuna ninkani wax ku soo bartay dalka Mareykanka isagoo markii uu dalkiisa ku laabtay maadada Suugaanta, sawir qaadidda iyo Jilliinka ka dhigi jiray jaamacadda Bahauddin Zakariya (BZU) ee Multan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.