Home Afsomali Dhageyso yaabkaan Maxamed Muxumad Aadan iyo Maxamuud Saalax oo u kala...

Dhageyso yaabkaan Maxamed Muxumad Aadan iyo Maxamuud Saalax oo u kala hadlaya somaliya iyo kenya kana wada hadlayo arinta ku darsashada baladxaawo ee dhulka Kenya

somaliya waxay gaartay xili boobka lagu haayo dalka ay ka wada hadlaan laba  wada somali ah sida haatan ka socoto dhulka ku teedsan xaduud benaadka kenya iyo somaliya oo wajigii gumeystuhu uga tagay wax laga bedelay hadaba Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa lagu qabtay shir looga hadlayey xiisada ka taagan magaaladaas taas oo ka dhalatay darbiga Kenya dooneysay in ay halkaasi ka dhisto,isla markaana dhaliyay kacdoon Shacab.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galayay wakiilo ka kala socday Dowladda Soomaaliya Iyo Kenya,waxaana shirka inta uu socday lagu guulestay in inta badan la xaliyay tabashadii ay qabtay dowladda Soomaaliya,isla markaana la joojiyay darbigii Kenya ka dhiseysay Balad Xaawo.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Aadan iyo Madaxa amniga Gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saalax ayaa waxa ay sheegeen in kulankaasi la isku-afgartay qodobo Muhiim u ah heshiis laga gaaro xiisada is dhalatay darbigii ay Kenya ka dhiseysay Balad Xaawo.

Wararka Dalsan ay heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in kulan kale lagu balamay si loo dhameeyo xiisadaas,waxaana haatan la joojiyey darbigii Kenya ay dhiseysay sida uu goor siihoreysay Dalsan u sheegay Gudoomiyaha Magaalada Balad Xaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.