Home Afsomali Baladweyn odoyaal dhaqameyd Amar ka diiday Ciidanka Maamulka Hirshabelle oo lagu jirdilay...

Baladweyn odoyaal dhaqameyd Amar ka diiday Ciidanka Maamulka Hirshabelle oo lagu jirdilay halka qaarna xabsiga loo taxaabay

Wararka ka imaanaya magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamada malatariga Dowladda Soomaliya ay jirdil u geysteen Odayaal kulan loogasoo horjeedo maamulka Hir-shabeelle ku lahaa Magaalada Baladweyne

Goobjooge  ayaa kusoo waramaya in Ciidamada ay tageen goob ay ku shirayeen odoyaasha islamarkaana  jirdil ay kula dhaqaaqeen.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in qaar kamid ah odoyaasha  xabsi loo taxaabay kadib markii ay ka hor yimadeen amarka ah in ay kala taagan ayna joojiyaan shirarka loogu soo horjeedo Dowladda Goboleedka hir-shabeelle ee maalmihii dambe ka socday Magaaladda beledweyne.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan Ciidamo Malatariga Dowladda Soomaliya ay la wareegeen xarumaha Maamulkaas,waxayna ku amreen madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble, in uusan shirar ku qaban Karin gudaha Magaaladda kuwasi oo loogu horjeedo Dowladda Goboleedka Hir-shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.