Home Afsomali Baladweyne Askari Qarax miino lagu dilay

Baladweyne Askari Qarax miino lagu dilay

Qaraxaan oo geystay khasaaro dhimasho ah  ayaa waxaa uu  ka dhacay Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne, iyada oo jugtiisa siweyn looga maqlay Xaafadaha Magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay laamiga Bacadada re Xaafada howl-wadaag, waxaana ku dhintay Hal Askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka macawuusleeyda ah.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne oo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inay meydka Askari ka tirsanaa macawiisleeyda ay goobta ka qaadeen, isla markaana falkaasi ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxa ayna rajeynayaan in gacanta lagu soo dhigo.

Majirto cid sheegatay weli mas’uuliyadda qaraxaas, hayeeshee inta badan qaraxyada noocaas oo kale ah ayaa waxaa sheegta Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.