Home Afsomali Baladweyne wariye dulyar oo xarig Ku mutay wareysi uu ka qaaday janaraal...

Baladweyne wariye dulyar oo xarig Ku mutay wareysi uu ka qaaday janaraal xuud oo aan isne la xirin

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa caawa lagu xiray Weriye Cabdulqaadir Maxamed Faarax Dulyar, oo maalin ka hor howlo shaqo u tagay magaaladaas. Isagoo ka tegay Muqdisho.

Dulyar ayaa duleedka magaaladaas ku soo wareystay Jeneraal Abuukar Xuud oo hoggaaminaya jabhad ka soo hor jeeda jiritaanka madaxda cusub ee maamulka HirShabeelle.

Amarka lagu xiray Weriye Dulyar waxaa la sheegay inuu ka yimid madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Jeneraal Xuud ayaa qeybo ka mid ah wereysigaas ku sheegay inuu qurbaha uga yimid inuu badbaadiyo nololsha dadka reer Hiiraan oo uu sheegay inay talada u hayaan dad uu ku tilmaamay ‘dhiig miirato.’

Dulyar ayaa weydiiyey Jeneraal Xuud sababta uu u dagaal gelinaayo dhalinyarada reer Hiiraan, iyadoo ilmihiisu ay ku noolyihiin dalka Canada oo nolol fiican ay ku heystaan.

“Hiiraan madax badan ayaa isku bedeshay hal maalina danahooda lagama shaqeyn, ninka hadda dhahaya madaxweyne ku xigeen ayaan ahay afar goor auu ku soo noqday gobolkaan, wixii yaallana isagaa qaatay kaligiis, wax uu ka fekeray oo dan u ah reer Hiiraana ma jiraan, maantana meeshaan inta soo istaago ayuu naleeyahay madaxweyne ku xigeen ayaan ahay, say ku dhaceysaa?,” ayuu yiri Jeneral Xuud.

Waxa uu sheegay sababta uu Hiiraan u tegay ay tahay inuu dadka baro inay ka maqantahay xuquuqdoodii aas-aasiga aheyd.

“Uma imaan dadka in la dilo, laakiin waxaan u imid tuugada inaan ka qabto, dadkooda waxbartayna maamulka loogu dhiibo” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.