Home Afsomali Banaanbax lagu taageeray Go.aankii Maxmada aduunka oo Muqdisho ka dhacay ...

Banaanbax lagu taageeray Go.aankii Maxmada aduunka oo Muqdisho ka dhacay ( DAAWO SAWIRADA )

Dibed-bax ballaaran ayaa maanta ka dhacay taallada daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho kaasoo ay ka qeyb galeen shacab fara badan, qeybaha ururada bulshada iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa dibad baxan lagu taageerayay go’aankii shalay ka soo baxay maxkamada caalamiga ah ee ICG taasoo taageertay dalabkii Somalia ee ahaa in maxkamadaas ay gasho dacwada bada ee Somalia iyo Kenya.

Waxaa khudbado ka jeediyey dibed-baxan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir xubno ku hadlayey magaca ururada bulshada, iyagoo sheegay iney soo dhoweynayaan go’aanka maxkamada oo ay ku timaameen mid taariikhi ah.

Masuuliyintan ayaa sheegay in talaabada ay qaaday dowlada Somalia ay muujineyso iney si buuxda u soo laabatay qaranimadii Soomaaliyeed, ayna maanta Somalia tahay dowlad awood ku leh masraxyada caalamka.

Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Maxkamadda oo la safatay Soomaaliya waxay meesha ka saartay doodda Kenya ee ah in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen.

Hadda kiiska ay Soomaaliya gudbisay ayaa sii socon doono muddo sanado ah, waxayna ugu dambeyn go’aan ka gaari doontaa dalka iskaleh qeybta badda ee lagu muransan yahay.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.