Home Afsomali Banaanbaxyo ka bilaawday meelo kamid ah Somaliand & Internet-ka oo la jaray

Banaanbaxyo ka bilaawday meelo kamid ah Somaliand & Internet-ka oo la jaray

 

Wararka naga soo gaaraya degaannada Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in ay billowdeen dibadbaxyo ay dhigayaan Xisbiyada mucaaradka Somalilad, kaas oo looga soo horjeedo Xukuumadda Somaliland oo Xisbiyadu ku eedeeyeen inay doonayaan muddo kororsi.

Qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada mucaaradka ee UCID & WADANI iyo taageerayaashooda oo wata boorar ay ku qoran yihiin Erayo ka dhan ah Xukuumadda Somaliland ayaa banaanbaxyo ka bilaabay inta badan Gobolada Somaliland.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xukuumada Soomaliland, ay ku amartay Shirkadaha inay khadka internetka jaraan, sida ay sheegayaan qaar kamid ah Wariyeyaasha kusugan Magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa kulamo laba maalin uga socday Maaalada Hargeysa ay isku fahmi waayeen habka loo dhigayo banaanbaxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.