Home Afsomali Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo markii ugu horraysay bixiyey ruqsadda adeegga lacagaha...

Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo markii ugu horraysay bixiyey ruqsadda adeegga lacagaha taleefanka (Mobile Money Transfer) ( DAAWO SAWIRADA )

Kaddib munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, kana soo qayb galeen qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda Soomaaliya, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta si rasmi ah Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu gudoonsiiyay shirkadda Hormuud Telecom Liisanka  adeegga EVC Plus kaddib markii ay shirkaddu soo buuxisay shuruudihii looga baahnaa.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa madasha ka sheegay in shirkadda Hormuud ay tahay shirkaddii ugu horraysay ee hesha aqoonsigaan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

“Maanta waxaanu isugu nimid shahaadada aqoonsiga ee uu bixiyo Bankiga dhexe ee Soomaaliya in aan guddoonsiino shirkadda Hormuud gaar ahaan adeegga EVC Plus-ka, adeeggaan ayaa ah maanta laga billaabo mid la isku halayn karo, maadaama uu maray dhammaan shuruudihii caalamiga ahaa ee Bangiga dhexe soo saaray, waana adeeg maaliyadeed oo la isku hallayn karo, inkastoo markiisi horeba ahaa adeeg la isku hallayn karo oo dadka soomaaliyeedba isticmaali jireen” ayuu yiri Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed cabdullaahi.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka hadlay madasha ayaa sidoo kale ku ammaanay shirkadda Hormuud hannaanka buuxinta shuruucda caalamiga ah ee adeeggan maaliyadeed gaar ahaan adeegga EVC Plus oo xil-wayn iska saareen in dadka Soomaaliyeed si bilaash ah ku isticmaalaan.

Ugu dambayn waxaa madasha xafladda soo gaba-gabeeyey guddoomiyaha shirkadda Hormuud Axmed Maxmuud Yuusuf, oo sheegay in shirkadda Hormuud ay u hoggaansan tahay shuruucda iyo nidaamyada u yaalla dowladda, isagoona sheegay in uu aad ugu mahad celinayo Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo maanta guddoonsiiyey shahaadada aqoonsiga ee adeegga maaliyadeed, kaas oo noqonaya mid la jaan qaada midka ay isticmaalaan dowladaha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.