Home Afsomali Bangiga Dhexe, Wasaaradda Maaliyadda Iyo Xarumaha Dib Loogu Dhisayo Ololaha  Is-xilqaan (...

Bangiga Dhexe, Wasaaradda Maaliyadda Iyo Xarumaha Dib Loogu Dhisayo Ololaha  Is-xilqaan ( DAAWO SAWIRADA )

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarunta wasaaradda maaliyada, Bangiga dhexe, iyo goobaha uu ka socdo ololaha is-xilqaaan ee dib loogu dhisayo xarumaha dawladda iyo dhismyaasha taariikhda u leh Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa bangiga dhexe kula kulmay gudoonka Bangiga oo uga xog warramay shaqooyinka ka socda bankiga, isaga oo kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu hagaajinayo hannaanka bixinta lacagaha, iyo in ay fuliyaan halbeegyada ay ku leeyihiin tubta horumarinta dhaqaalaha.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayuu ra’iisul wasaaruhu kula kulmay xarunta wasaaradda, waxa uuka kala hadlay heerka uu marayo qorshaha cafinta daymaha, isaga oo faray dardar-gelinta hannaanka dawladdu ay dib ula fal gelayso hey’adaha dhaqaalaha iyo lacagta aduunka si loogu guulaysto himilooyinka umadda Soomaaliyeed loogu gudbo barwaaqo.
Ra’iisul wasaare Khayre ayaa intaa kadib tegay Maktabadda qaranka, Tiyaatarka, Madxafka iyo taallada Xaawo Taako oo dhammaan uu ka socdo ololaha is-xilqaan ee dadka Soomaaliyeed ay dib ugu dhisanayaan xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo wadooyinka, waxa uuna halkaas ugu tegay hawl-wadeennada dawladda ugu xil-saaran, mas’uuliyiin iyo shaqaala dawlo oo ku guda jira ololaha.
Kormeerka uu ra’iisul wasaaruhu ku sameeyo wasaaradaha iyo xarumaha kale ee dawladda oo ah mid joogta ah ayaa lagu socdaa hanaanka hawl-wadeennada dawladdu u fuliyaan shaqooyinka loo xil-saaraya si loo dhabeeyo isla-xisaabta ku salaysan daah-furntaanta, umadda Soomaaliyeedna ula socdaan dadaalka ballaaran ee loogu jiro dib u soo kabashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.