Home Afsomali Barakac xoogan oo ka Bilowday dalka Gaambia waa maxaay sababatu 

Barakac xoogan oo ka Bilowday dalka Gaambia waa maxaay sababatu 

Dalka Gambia ayaa xiligan galay xaalada adag, waxaana dadkii dalxiisayaasha ahaa iyo ajaaniibtii ku nooleed magaalada Banjul ay bilaabeen in ay isaga cararaan, iyaga oo ka cabsi qaba in dagaalo iyo qalalaase ay ka dhacaan.

Qaxa iyo kala cararka ayaa  bilowday dalka Gambia kadib markii ciidamo la soo dhoobay xuduuda dalkaas,waxaana Dalka Gambia ka bilowday qax iyo jahwareer kadib markii  la dhaafay xiligii ay wadamada galbeedka Afrika u qabteen madaxweyne Yahye Jammeh in uu xilka ku wareejiyo.

Kumanaan Dalxiisayaal iyo Ajaaniib kale oo ku nooleed magaalada caasimada ah ee Banjul ayaa isaga qaxay, waxaana dalkaasi gaaray diyaarado dadkaasi looga soo daad gureeyay, gaar ahaan dadka barakacaya ayaa intooda badn ah dadkii ajnabiga ahaa ee dalkaasi joogay.

Dowlada Senegal ee dariska la ah dalka Gambia ayaa ciidamo badan geeysay xaduuda dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in ciidamada Senegaal iyo ciidamo kale oo ka socda wadamada Galbeedka Afrika ee ECOWAS faro galin milatari ku sameeyaan dalka Gambia .

Senegal ayaa waydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ansixiso urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, inay qaadaan tallaabo lagu hubinayo sidii xukunka loo wareejin lahaa dalka Gambia.

Ugu danbeyntii, madaxweynihii doorashad looga adkaaday ee dalkaas Gambia Yahya Jammeh ayaa diiday in uu xilka ku warejiyo madaxweynaha la doortay ee Adama Barrow oo hada ku sugan dalka Senegal, waxaana la qorsheenayaa in madaxweyne Yahya xilka looga tuuri si qasab ah.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.