Home Afsomali Barashada iyo la qabsiga mushkilaadka sida kala duwan kuu soo maraya ayaa...

Barashada iyo la qabsiga mushkilaadka sida kala duwan kuu soo maraya ayaa ah imtixaan adag oo la maro.

Barashada iyo la qabsiga mushkilaadka sida kala duwan kuu soo maraya ayaa ah imtixaan adag oo la maro.
__________✍️Faradheere

personal struggles like mental health concerns and relationship difficulties to external factors like financial hardship, job loss, or traumatic events

halganka shakhsi ahaaneed sida welwelka caafimaadka maskaxda iyo dhibaatooyinka xiriirka ee arrimaha dibadda sida dhaqaale xumo, shaqo lumis, ama dhacdooyin naxdin leh.
Ilahay waxaan waydiisanay inoo inaga xaliyo culaysyada iyo duruufaha aduun ee qof kasta haysata ugu badalo allaha awooda leh faraj iyo farxad aan dhamaan Amiin amiin.

Nolosha aadmigu mar kasta kama dhamaato hadba xalad kugu uguba oo ay kugu adkaato Xalinta iyo maraynteedu, hasa yeeshee waxaad wajihi kartaa culusyo iyo ama kaag aadan horay u arag kuuna soo marin oo si lama filaana intuu ku wajaho adna adan mar-naba filayn akhrinta cashirkan xambaarsan faham qasaba jid’aad uga baxdana ma-yaal oo waa dani waatii awr garbala isaartay waa mid ka mid ah noloshaada iyo wakhtiga wayaha aduun kugu qasbayo inaad si hufan u fahanto.

Waa run inaad kala kulmi wal-wal iyo warbahaar fikir qoomamo iyo Caloolyaw iyo Canaan aad naftaada kala dul-dhacdaa si aad isuwaydiiso sababta uu ku yimid iyo waxa xalku yahay oo Go’aan keedu u baahan yahay inay aad kuu xanuujiso masuuliyadaha naftaada iyo nolosha siyaabaha kala duwan u wadata dhibaatooyin ayaa ah waxa kugu wayn ee aad wajahayso markuu xaalku halkaa marayo aduunka sidiisaba ayaaba u abuuran mushkilad tusaale halkii qofee kasta aduunka waxa haysata mushkilad isaga u gaara adna waxaad ka mid tahay, majiro qof aana noloshan dunida duudkeeda aan kala kulmin xaaladu is-diidan oo ay ku adkaanayso is-qabad-siinta laqabsiga xalada cusub ee markaa taala ee Hab-noolaashahaaga qayb ka noqotay waa ciilal-yaw ay ka hadhi doonto arin kaygu caawa waa oday ka sheekee, oo noqonaysa yaa jiilka dambe ogaysiiya si ay ugu noqoto feejignaan iyo isu diyaarin wajihida iyo u adkaysiga culaysyo ay xambaarsan tahay nolosha aduun oo noocyo badan isugu jirta.
Tusaalayaal hadaad tahay nin ay daris ama la qaan gaadhay mushkilaad badan yaraantii ilaa inta madaxaagu cadaanayo oo aad uga badnayd adami-badan sida ay ula nolaatay caqabado badan yaraantisii hooyo la’aan iyo Aabo la’aan ayaa ah tusaalooyinka aad ugaga dawanaan karto midka haysta hooyada iyo Aabaha Waxaad dheer tahay lkn dhibco badan hadii ay hadana kuu dheeraato cidda ku soo bar-baarisay inay yihiin dad aan haysan nolol fiican dhanka dhaqaalaha oo ay yihiin dad-dan-yar ah ayaa ah hadana mid aad kaga sii horayso dhanka adkaysiga iyo wajaha culaysyada kan haysta intaa aan sheegnay kuna soo bar-baaray badhaadhe iyo nolol heerkedu sareeyo.

Hadaba inaad heshaa fursad iyo dib u kabasho ayaa u baahan halgan iyo adkaysi xoogaysta oo inaad heshaa fursad aan wakhti iyo wax qabad badan kaa kalin way iska dhacdaa oo waa qofba nasiibkii lkn inay iyana caqabad kale kugu noqotaa waa calaamado muujinaya inaad noqoto qof adkaysi badan hasa yeeshr ciwaanka sheekadan oo ahaa culaysyada nololeed ee gondahaaga ka dhasha ee cusub ayaa laqabsigeedu yahay mid kugu adkaata inta ay wakhti sii jirtaba sida saacad maalin 7aad bil sanad maxaa yeelay taasi waxay la xidhiidhaa laba nin oo walaala ah ayaa mid alle wax siiyey kan kalana alle wax siin oo raxmada alle dadka mawada gaadho marka laga hadlayo roobka labadii nin ayaa midka wax haystay kunyidhi kaan haysan ee fiqiirka ahaa war walaal marka ay kugu cadaato ee xaalkaagu noqdo baraka maleh ii imaw si aan wax kuu siiyo ninkii waxa uu yidhi wayahay walaal mahadsanid nin kanow subax kasta waxa uu taagan yahay iridka maalin dambe ayuu yidhi war walaal saw kuma odhan markay kugu caadaato ee xaladu darnaato ii imaw ee kuma odhan subax kasta imow jawaabtiisa kii wax la aan ta ahaa ayaa noqotay sidan oo ahayd waagu ma cadaaday anna way igu caddahay oo mac’naheedu yahay mushkiladan waa wax nolosha la xidhiidha oo ay taagan tahay oo mana helin xalkeeda oo u baahan.in alle ku garan siiyo fursadaha wanaagsan ee lagu kala hor maray hadana si kasta oo aad aduunkan fursad u hesho iyo nolol raaxa leh hadana waatii mushkilaadku dhinac uun ka soo furmaan oo ay kaa wareerto sibaaha ay kugu wajahdaaba haba kala duwanaadaane.

Haddaad aaminto

Qofka noloshaada wax walba u samayso, ama wuu kula jirayaa weligiis
ama wuxuu ku siinayaa cashar aanad waligaa ilaawin.
إذا وثقت

بشخص وجعلته كل شيء في حياتك فهذا الشخص إما أن يكون معك للأبد وإما أن يعطيك درساً لن تنساه أبداً

Ilahay waxaan waydiisanay inoo inaga xaliyo culaysyada iyo duruufaha aduun ee sida gaar ka ah u haysata qof kasta oo muslima ugu badalo allaha awooda leh faraj iyo farxad aan dhamaan Amiin amiin.

✍️ Mohamed Abdi Osman Faradheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.