Xaflafa abaalmarinta somtel Dahabshiil Group ee ku shubo oo ku guuleyso Oo sbuucyadaanba ka socday magaalada muqdisho ayaa waxaa asbuucaan ka soo qeybgalay masuuliyiin ka kala socotay dowlada fadraalka xildhibaano maamulka Gobolka banaadir ururada bulshada Aqoonyahano somaliyeed Gudoomiyaha jaamacada siu Dhaqtar Maxamed yuusuf Cumar iyo Gudoomiyaha jaamacada imaamu shaafici Dr Cbduqaadir shaeikh Axmed jaamacada horseed Madaxa xiriirka dadweynaha ee jaamacada horeed Mr Muqtaar Xubno ka socday baahda warbaahinta masuuliyiinta shirkada somtel .
Madaxa waaxda ganacsiga ee shirkada Cumar Maxamed Nuur Saacid ustaad Axmed Cadulaahi Adan iyo masuuliyiin kale oo shirkada ka socotay guuleystayaashii todobaadkii hore oo u soo xaadiray gudoonsianta agabyadii kala duwanaa ee ay ku guuleysteen iyo marti sharaf kale .
ololaha barnaamijka ku shubo oo ku guuleyso ayaa ah mid asbuuc kasta lagu bixiyo hadiyado sida qaar mooto bajaaj lacago cadaan ah dahab qasaalado tv yo mobilo iyo agabyo kale oo qaali ah wuxuuna socdaa todobaadkii 21 aad oo xariir ah wuxuuna gaaraa barnaamijkaan koofurta iyo bartamaha Somaliya iyada oo ay kaaga filan tahay isticmaalka sim cardka Somtel ku shubo oo ku geeleyso bulsho badan ayaa ku xiran qaarkoodna ayba ku guuleysteen .
Axmed Cali Axmed ayaa ololaha Asbuucaan daahfurey Wuxuuna xusay in barnaamijkaa uu bulshada ku yeeshay saameyn balaaran dadka ku guuleystayna ay baahi weyn u qabeen fursadaha ay heleen sida bixinta Asbuucaan oo ay ku jirto mooto bajaaj cusub oo ay ku guuleysatay Gabar shaqaale reer u aheyd
Axmed wuxuu shaaca ka qaaday in ay ilaa iyo haatan bulshada gacantooda gashay ilaa 20 mooto bajaaj iyo gaba gaari ayna kala qaateen Maamo madiino Xusein Yaxye oo ku dhaqanka Baladweyn iyo Maxamed Cabdiraxmaan Nuurbuur oo isne dagan Buur hakaba welina uu barnaamijku uu socdo wuxuuna bulshada ugu baaqaay in ay fursadaan ka faiideystaan .
Madaxa Xiriirka dadweynaha ee jaamacada horeed Mr Muqtaar Maxamed ibraahim ayaa asbuucaan mishinka bulshada u rogay wuxuuna dul istaagay nambarka wiil ku guuleystay Mobile Samsung mobile Gabar joogto tabeelaha weydow ee duleydka Magalada Muqdisho macaamiilka xigay ayaa ku guuleystay isne Xirmo internet ah .
Gudoomiyaha jaamacada imaamu shaafici Dr Cbduqaadir shaeikh Axmed jaamacada horseed oo ka mid ahaa marti sharafta barnaamijka lagu casuumay ayaa sheegay in uu marqaati ka yahay qaabkii uu u dhacay barnaamijka oo uu ku tilmaamay mid daahfuran oo cadaalad ah wuxuuna ugu danbeyntii riixay badhanka mihinka oo macaamiil joogo dagmada luuq ee gobolka gadoku guuleystay mobile somsung ah .
Gudoomiyaha jaamacada S.I.U Dhaqtar Maxamed yuusuf Cumar
Cabdi kaamil yususf Macalin oo ku hadlayey magaca warbaahinta ayaa ka mahadceliyey qaabka shirkadu bulshada ugu shaqeyso wuxuuna soo dhaweeyey sii socoshada barnamijkaan ku shubo oo ku guleyso abaal marin
Cabdiraxmaan Nuux Saciid Madaxa waaxda iibka shirkda Somtel Cumar Maxamed Nuur Cumar saacid ayaa Madasha ka sheegay intii uu barnaamijkaani socday in lagu guuleystay ila 9 kun oo hadiyadoo
waxaa kale oo goobta ku sugneyd Gagar dagan deyniile gaar ahaa deegaanka oodweyne oo ku guuleysatay asbuucii hore mooto bajaaj una timid si ay u gudoonto hadiyadii ay ku guuleysaya waxana la socday aabahed oo Gobolka ka yimid xiligii ay gudoomeysay Mootada bajaajta ah
Xildhibaan Zakariye Maxauud Xaaji Cabdi oo ah Murasharax Madaxweyne ayaa isne ka mid ahaa masuulintii casuumaada Aqbashay wuxuuna xusay in arinta Somtel wado ay tahay mid bulshadu u baaheyd isla markaana uu soo dhaweynayo uuna isagu ku faraxsan yahay wax la cuno iyo warbaa lagu nool yahay ayaa laga hayaa
Xildhibaan Zakariye ayaa lagu sharfay in uu gudoonsiiyo Gabadha Jaariyada ah ee ku guuleysatay gaadiidka Mooto Bajaajta Faadumo Cabduqaadir Cali oo aabaheyd la socday ayaa la gudoonsiiyey furihii laguna wareejiyey milkiyada mootada
faadumo ayaa sheegtay markii loo sheegay in ay ku guuleysata Mooto bajaaj farxad darteed ay suuxi gaartay
Maryan Cabdi Nuur Maxamed iyo Cusmaan Xaan Axmed Saamir Badel Abshir Zamzam Feysal cumar ayaa iyane ahaa kuwo asbuucii
hore guuleystay waxaana ay gudoomeen hadiyada kala duwan sida mobile iyo talaajado.
https://youtu.be/0_thDH23lSI
waxaana abarnaamijkaan daadihinayey Cali Cusmaan Daaha