Home Afsomali Barnaamijka Tixanaha Taariikhda Soyaalka Somalia

Barnaamijka Tixanaha Taariikhda Soyaalka Somalia

Tariiq yahanada intabadan baritaanka ku sameeyay sooyaalka soojireenka ah ay soomaalidu leeda hay waxa ay wariyeen dadka iyo dhulka soomaaliyeed in ay leeyihiin sootiilooyin facweyn soona jirtay guyaal kusiman kumanaan sano keediyaasha tariiqda qaar kood siiba kuwa soomaalida ah oo uu kamid yahay ow jaamac cumar ciise waxa uu uruuriyay taariiq gaareysa amin kusiman sided kun oo sano sida uu kashegay muxaadara kadhacday landan ,sidoo kale tariq yahanka layiraahdo warsame ee qoray buugga ah(taxanahii tariiqda soomaalida) waxa uu buugiisa ku xusay oo uu sheegay in uu hayo taariiq kor u dhafeysa shankun oo sano.

Ragas taariiqyahanada ah iyo kiuwa kale ee ajaaniibta ah markii aad buugaagtooda  dheehato waxa ay kuu ifineysa in taariiqda soomaalida ay tahay mid aad ufacweyn

Hadaba sooyaalka soomalia waxa ay leedahay ilbaxnimo la fil ah xadaradihii masaarida,roomaanka,siiriyaanka iyo barisiinta ilbaxooyinkaas qaarkood waxa ay soomaalida lalahayeen xiriiro dhanka ganacsi ah ,waxaana kamid aha xadaradihii kala ahaa faraciinta,bariis iyo shiinaha.

Waxaa kaloo ayana jirtay xadarada kale oo ay kamid tahay Gariiga siiba tii waqtigii hiiratood ,qaar kale ayana waxaa dhexmaray dirir aad ucusul oo dagaal ah

Waxaana tusaala inoo ah duulaanka ay farisiintu ay ku qabsadeen yaman ujeedka ugu weyna waxa ay aheyd in farisiintu ay qabsadan dhul uduga manta looyaqan soomaalia sida ay warineyso tariiqda.

Soyaalka soomaalida ee sideeda qarni dhigan waxaa lagu xusay in dadkii soomaaliyeed wajaheen halgano kala gadisan oo mararka qaar isku dhalan rogay mowjado dagaal.

Fidinta iyo udagalanka diinta islaamka dadka soomaaliyeed waxa ay kulahayeen door aad uweynhadaba aanu eegno qarnigii 16-aad waxaa geeska afirca waqtigaa ka dhacay dagaalo udhaxeeya boqoryooyadii Amxaarada ee xabassiiniya iyo saldanadihii muslimka ee waaga kajiray deeganada geeska Africa.

Tariiqyanada waxa ay aad uwariyeen ugeelanka ilsmaamka ee jihaadka xiligaa dadkii aadka ugu soo can baxay isirka soomaalia ku abtirsanayey inuu ahaa iimaamka weynaa ee soomaalida ay utaqaan axmed guray lana oranjiray Axmed Ibrahim alqasale sida lagu marag furay buugag badan oo ay kala qoreen qoraayo kala gadisan  sida fatxul sama,sahabu-diina axmad binu cabdi qadir kitaabkiisa carab fiqi,iyo shabu diini al-saraabe kitaabkiisa xaadirul caalimul islaaam iyo kutubo kale aan tiro laheyn

Gabi ahaan culimada tariiqda ee wax ka qoray sooyaalka axmed guriy waxa ay ku saleeyen halyeey aad ugu soo halgamay dacwada diinta islaamka isaga oo kuwajaahay dagaalo uu ku difaacayo diinta mulsimka iyo sida ay ku soo gaari laheyd dhulka soomaalida

Dadyowgii soomaaliyeed ee kala dagana dhulalkii soomaaliyeed waxayaba sida gaar ah laabahooda ay iskugu soo durgayeen waxa qayb ka aheyd diinta islaamka dhaqanka iyo afka ayada oo aanay jirin mamul mid ah oo ay kumideesnayen soomaalia kukala noleed 5-tii soomaaliyeed

Qarniyadaa somaalida waxa ay isku mamuli jireen qolo walba si iskeedka dadkuna waxaa kala xadeen jiray dhaqan dhigteen mamulada ugu tunka weynaa ee dhismay waaga waxa ahayeen mamul ku dhisan habka boqortoyinka iyo saldanaha ayaga oo kala talin jiray deega qaar ee iminka dhaca dhulka soomaalida.

 

 

ka hor gumeestihii duulaanka ku soo qaday qaarada Africa soomaalidu waxa ay ahayeen kuwa garowsan in ay yihiin dad  iskaga dhow dadyowga kale ee geeska Africa wada daga.inkastoo aynaan jirirn dowlad mid ah oo mudeesay waaga dadka soomaaliyeed hadana mayareen is dhax galka bulshada .

doorarka ugu muhiimsana ee sababta u ahaa in umada ay is la falgasho qaybta ugu mihiimsan waxaa lahaa ganacsatada oo marka doonyaha hindiya ee sida baadeecadaha ku soo raga dakadii Barbara inta ay owr kusoo raraan geen jiray miiga fog ee ayaga oo ku soo badali jiray waxyaabaha magalada loogu baahan yahay socotada ugu kala socdaalayay meeyada ilaa magaalada marka uu gabalka uu ku dhaco goobta ugu dhow guryaha kuyaal bay iska gogol dhigin jireen markaasa habenka si gacal tooya ku jirta loo marti soori jiray war waxii ka cusub miiga iyo magaladana way kala axwalqadan jireen

culimada ku xeer dheer cilmiga  tariiqda iyo dhulka waxa ay aad ugu kala tagsan yihiin soomaalida iyo halka ay katimi waxayse si siman usheegn in soomaalida ay wadaagto dhaqan, diin,Af,iyo dhul.inkatoo dowlad mid aanu katalinin dhulkii soomaaliyeed hadana marka la isku soo xooriyo dadka soomaaliyeed waa dadyow is kaga dhow umadaha kale ee ood wadaga kula ah qarada Africa

duulankii gumeestihii reer yurub

waxdii ugu dambesay qarnigii 19-aad soomaalida iyo dhuleeda waxaa ku soo duulay shisheeya dhowr ah oo intuu saanyada sohdino dhowr usameeyay duulaanka soomaalida kaliya madaarneen ee waxa uu ahaa mid qaarada Africa oo dhan ah

Wadamadii sida gaarka u daneenayay dhulka soomalia iney hantaan waxaa kamid ahaa Engiriiska,talyaaniga, faransiiska,masarida,iyo itoobiya

Dhaq dhaqa gumeestaha ee dhul qabsashada soomaalia isla qarnigaa waa ay u ababulnayeen hadaba waxaanu si kooban aanu u ifin doona siduu ku bilaabmay halganka ah in lahanto dhulka soomaalida iyo sida loo kala qeybasaday dhulkii soomaaliyeed iyo shisheeyihii saamiyada ukala helay dhulka soomaaliyeed

Gugii gumeestaha ee djabouti

kal tirsigii marka uu ahaa 1859-kii markii ugu horeesay gumeestiyashi reer faranca waxa ay kasoo dagen magalada ubuq ka dib markii safiirka dowlada faransa ee u fadhiyay magalada cadan uu ogolasho ugu helay canfarta in faransiisku uu yimaado magalada ubuq

mudo sadex sano ah kadib faransiisku waxa ay dhulka ka iibsadeen canfartii dagneed magalada ubuq  isla waqtigaa waxaa magalada ubuq laga tagay calanka faransiiska

 

Halkaana waxa ka bilaabmay damicii ku saleesna I dhamaan lahantiyo dhulka soomaaliyeed

Gumeestiyaashi reer talyaani ayaa ayana bilaawayay damacoodi ahaa in goob un ka helaan gobolka badacas

 

1-dhulkii soomaalida ee talyaaniga

2-dhulka soomaalida ee in giriiska

3-dhulka soomaalida ee faransiiska

4-dhulka soomaalida Kenya

5-dhulka soomaalida ee itoobiya

 

 

Xisbiga Xuriyadda – Dadka Soomaalidu, Waa dad ku nool dhul ballaaran oo ku yaallo Bariga Qaaradda Afrika, inkastoo qeyb ka mid ah dhulkaasi ay xoog ku haystaan dalalka Itoobiya iyo Kenya. Soomaalida waa dad ka duwan dadyowga kale ee ku nool Qaaradda Afrika. Tusaale ahaan, Waa dad wadaaga sida diin, dhaqan iyo waliba luuqad, Waana sababtaasi sababta markasta loo yiraahdo Soomaalidu ah waa qoys qura.

Qoyskani, Waxa uu ku hadlaa hal luuqad oo la yiraahdo Soomaali, Waxa ayna Luuqaddaasi leedahay lahjado kala duwan, Sida Mayga iyo Maxaatiriga oo kale. Marka aan u nimaadno dhanka diinta. Dadka Soomaalidu waa dad Musliim ah 100%, Islamarkaana ah Muslimiinta loo yaqaano Suniga. Waana dad raacsan Madhabta Shaaficiyadda ah, inkastoo laga yaabo in ay jiraan dad kale oo ku dhaqma Madaahiibta kale.

Dadka Soomalida, intooda badani waa dad xoolo dhaqato ah, Waxayna dhaqdaan sedexda nooc ee xoolaha ah sida Geel, Ari iyo waliba Lo’. Waxaa sidoo kale jira dad kale oo Iyagana beeraley ah. kuwaas oo intooda badani ay ku dhaqan yihiin, inta u dhaxeysa Labada Wabi ee la kala yiraahdo Jubba iyo Shabeele. Maadaama ay dadka Soomaalidu daris la yihiin labo Badood oo muhiim ah sida Badweynta Hindiya oo kale, dabcan waa iska caadi in la helo dad kale oo Iyagana Kaluumeysata Badahaasi.

Inta aysan imaanin Gumeystayaashii reer Yurub, sida Ingiriis,Talyaani iyo waliba faransiis. Dadka Soomaalidu, Waxa ay ahaayeen dad ku nool dhul ballaaran oo isku furan. Kaas oo qoyska Soomaaliga ah u ogolaanayo in uu u guuro meesha uu doono, Islamarkaana uu dejiyo xoolihiisa goobta uu rabo walow mararka qaar ay dhici jireen gacan ka hadalo ay sabab u ahaayeen daaqa iyo biyaha.

Sida aan kor ku soo xusnay, Ma jirin Gumeystiyaashii reer Yurub ka hor wax la yiraahdo xuduud, taas oo kala soocda deegaanadii ay ku noolaayeen dadka Soomaalida ah, marka laga soo bilaabo Jibuuti ilaa laga soo gaaro dhulka loo yaqaano NFD ee ay Kenya xoogga ku haysato. Laakiin markii ay Gumeystiyaashii yimaadeen, Waxa ay ku dhaqaaqeen in ay dhulkii kala qeybiyaan, Islamarkaana kala qaataan si ay ugu fududaato gumeysigoodii. Tusaale ahaan, Faransiiskii waxa uu qaatay dhulka loo yaqaano Jibuuti halka Ingiriisna uu qaatay dhul ballaaran, Kaas oo dhacayey Waqooyiga iyo Galbeedka iyo waliba dhulkii loo yaqiinay NFD.

Waxa sidoo kale Gumeystiyaashii ka mid ahaa Talyaani Koofi-weyne, Isagoo qeyb ahaan u helay dhulkii koonfureed ee ay Soomaalidu deganeyd. Shirkii Baarliin ee 1884, kaas oo ay ka soo baxday fikraddii lagu kala qeybsaday Qaaradda Afrika. Waxa uu Shirkaasi raad xun ku reebay dadka Soomaalida ah, Maxaa yeelay waxa uu kala qeybiyey dhulkoodii iyo dadkoodii midka ahaa.

Inkasta oo ay Soomaalidu halgan dheer u gashay sidii ay isaga kicin lahayd Gumeystihii ku soo duulay, sida Ingiriis iyo Talyaani oo kale hadana halgankaasi uma miradhalin sidii laga rabay sababa badan oo jiray awgood. Tusaale ahaan, halgankii dheeraa ee Darawiish iyo Sayid Maxamed Cabdile Xasan, Waxa uu ku soo gabagaboowday guuldaro ka dib markii qaar ka mid ah Soomaalidii la safatay Gumyesigii. Intaas kuma ekaanin halgankii gumeysi diidka ahaa ee waxaa mar kale soo baxay ururo iyo shaqsiyaad kale sida ururkii SYL oo kale.

Maadaama ay dadka Soomaalida ku ibtileysan yihiin bahlkan la yiraahdo qabiilka. Taasi waxa ay fursad siisay Gumeystiyaashii soo duulay, Iyagoo jaanis u helay in ay Soomaalidii kala qeybiyaan ka dibna gumeystaan, sida ay maantaba Xabashidu sameysneyso ( Qeybi oo Xukun) Halgan dheer oo ay hormuud u ahayd SYL iyo dad la safnaa. Ugu danbeyn, Waxaa xuroobay Sanadku markii uu ahaa 1960 labo qeybood oo ka mid ahaa dhulkii ay haysteen Gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga. Waana dhulkii waagaasi loo yaqiinay (Italian Somaliland) iyo (British Somaliland). Kuwaas oo markii danbe iskudarsaday, lana baxay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Markii la dhisay Jamhuuriyaddii Soomaalida ee ka koobneyd Koonfur iyo Waqooyi, Islamarkiiba waxaa bilowday dadaalo dib loogu xureynayo dhulkii maqnaa sida Jabuuti oo kale, iyo waliba dhulkii kale ee ay haysteen Xabashidii iyo Kenyaatiga. Nasiib wanaag sanadku markii uu ahaa 1977, Waxaa xuroobay halgan dheer ka dib, dhulkii loo yaqiinay Jibuuti ee uu Faransiisku gumeysnayey, halka labadii qeybood oo kale ay wali baaqi ku yihiin gacanta dowladaha Itoobiya iyo Kenya.

Inkastoo Soomaalidii xurowday ay heleen Qaran ay Iyaga iska leeyihiin, hadana nasibdaro waxaa dhacday in ay Qarankoodii ku dumiyeen talo xumo iyo madax adag ka imaaneysay qaar ka mid ah siyaasiyiinta waagaasi majaraha hayey. Taasna, Waxa ay ugu danbeyn dhaxalsiisay 30 sano oo dagaal sokeeye, kaas oo ilaa maanta socda. Dadka qaar, Ayaa is weydiiya sabab ay ku dhacday in ay Soomalidu ka bixi weydo duliga iyo dowlad la’aanta maadaama ay maanta nool yiihiin dadkii ugu cilmiga iyo caqliga badnaa ee soomara dadka Soomaalida ah.

Tusaale ahaan, maanta waxaa nool culimo badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo cilmi iyo caqliba isku darsaday sida Sh. Cali Warsame, Sh.Jaamac Cabdi Salaan, Sh. Cabdulaahi Raabi, Sh. Maxamed Xaaji Yuusuf, Sh. Xasan daahir Aweys, Sh.Umal, Sh. Mustafa Xaaji, Sh. Maxamed Idris, Sh.Cabdiraxmaan Sh.Cumar, Sh. Shibli, Sh.Xassaan Xuseen (Abuu Salmaan), Sh. Cabdirashiid Cali Suufi, Sh. Xasan Jaamici, Sh. Axmed Cabdi Samed iyo Culimo kale oo badan, hadana saas oo ay tahay maanta waxaa daadanayo dhiiggooda, dowladnimana warkeeda daa!

Dhanka Aqoonta Iyadu ka hadal maleh. Bal ila fiiriya raggan Axmed Saciid Samatar, Cabdi Saciid Samatar, Afyare Cabdi Cilmi, Xuseen Warsame, Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cabdiqaasim Salaad, , ,Jawaari, Xasan Sheekh, Axmed Siilaanyo, Maxamed yoonis Biixi, Faysal cali Waraabe, Cabdiwali Gaas, Cali Khaliif, Cumar Cabdirashiid, Farmaajo ,Cabdiwali Sh. Axmed, Saacid Shirdoon, Cabdiraxmaan Bayle, Cabiraxmaan Baadiyow, iyo kuwa kale oo badan, hadana aqoontaasi waxba kama badelin xaaladda ay ku sugan tahay Soomaalida haday ahaan lahayd siyaasadda, aminiga iyo waliba dhaqaalaha.

Siyaasiyiin ay ka mid yihiim, Barre Hiiraale, Maxamed Cabdi Yuusuf, Tarsan, Goodax Barre iyo rag kaloo badan, Waxa ay maalmahani sii deynayeen waraysiyo ay ku sheegayaan in ay Soomaalidu u gacan gashay gumeysi cusub oo ay hormuud u tahay Itoobiya. Kaas oo ujeedadiisu tahay, in marka hore la kala qeyb qeybiyo ka dibna si toos ah loo qaato dhulkooda, Iyadoo la adeegsanayo kooxda Tuunji Amxaaro iyo dabaqoodhiyada kilalka

Mar hadaanu sheegnay xaalka ay ku sugan tahay Soomaalidii xurowday 60-kii. Bal aan sidoo kale raacino kuwa Iyagana wali ku hoos nool gumeysiga Itoobiya iyo Kenya. Inkastoo Soomaalida la nool gumeysiga Kenya ay sameysay waxoogaa horumar ah, oo xagga siyaasadda iyo dhaqaalaha ah hadana wali waxaa loola dhaqmaa sida muwaadiniin darajada labaad (Second class citizen). Kuwaas sida la rabo laga yeelo marka la doono. Amma Soomaalida ay gumeysato Xabashidu, Iyadu ka hadal ma leh, waayo kuwaasi waxaa ku socdo xasuuq iyo baabi’in joogta ah.

Marka aan hadalka isku soo xeerino, Waxaa runtii noo soo baxeysa in ay Soomaalidu marayso marxalad adag oo qatarteeda leh. Taas oo u baahan in la helo dadkii wax ka qaban lahaa inta ay goori-goor. Hadaba aqristow aan su’aal ku weydiiyee yaa u maqan dadkan ? Ma waxaa la waayey shaqsiyaad iyo kooxo u istaaga joojinta dhiiggan daadanayo maalin kasta ? Ma waxaa laga waayey Umadda intaan la’eg dad ka shaqeeya islaaxa iyo dib-uheshiisiinta ? Kolay Anigu ma garanayo meesha la la’yahay.

Xusuusin: Qormadeena danbe haddii uu Rabbi idmo, Waxaan kaga hadli doonaa sida loo heshiisiin karo dhinacyadan is dilayo iyo cidda ku haboon in ay doorkaasi qaadato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here