Maxbuuskan oo 10 daqiiqo kadib ku xukunaaa dilka kursiga korontada ama danabka leh ayaa lagu yiri dardaaran waxaad heystaa 10 daqiiqo, waxa uu codsaday qalin iyo warqad waxana uu qoray qisadan.
Hooyadeyda Qaliga ah, hadii sharciga manta la i marinayaa yahay mid cadaalad ah waxaan sugayaa inaad noqoto qofka igu xiga ee kursigan lagu dilo, laakin sharcigu hadii uu indha la’yahay danbiilaha waa aniga kaliya.
waxana uu bilaabay qisadan.
Hooyo ma xasuusataa sida aan ku bilaabay dhibaatada geerida igu hogaamisay manta, hooyo markii aan 3-sana jiray waxaan xaday macmacaan walaalkey lahaa lkn ima canaan malintaas qaladkas aan ku dhacay, hooya si fiica ma u xasuusataa markii aan jiray 5 sano waxaan dariska kasoo xaday Boombalo ( Toy ) waxaana ku qarsaday guriga adiga oo arkayo, waxbana ima dhihin, Hooya ma xasuusata markii aan 12 sana jiray waxaan xaday kubadii ina adeerkey waxana ku qarsaday Karaashkeena adiga oo arkayo lkn waxaad u sheegtay ina adeerkey inaadan arag kubadiisa.
Hooya ma xasuusataa markii aan 15 jir ahaa waxan ka dhuuntay iskuulka balse malintaas aabe waxa uu raabay in uu saaid ii ciqaabo, lkn adiga ayaa i difaacay oo dhahay waa yaryahay wiilkeygu, macalimiinta ayaana been sheegayo waa ka qeyb galay fasalka wiilkeygu, waad i difaacday ilaa habeenkii waxadna dhahday wiilkeyga ayaa saxan lkn qalad ayaad igu hogaamisay jaceylka aad i qabtay.
Hooyo ma xasuusataa aniga oo 17 sana jir ah ayaan dariska kasoo xaday Baaskiil (Bicycle) lakin qaladkeyga cidna ugama warbixin xitaa poliska ayaad been u sheegtay markii ay imaadeen guriga wadna arkaysay markii aan Baskiilka soo xareystay.
Hooya waad i jecleed waliba jaceyl xad dhaaf ah laakin malina kama fikin inaad nafteyda saxdo ama aad wanaaga igu canaanto si akhlaaqdeydu ay u hagaagto, laakin manta waxaan noqday qof bolol ah oo qurmay oo laga baqayo in uu wasaqeeyo jeelka yar yar ee dalka usoo baxaya.
Halkaas ayaan kasoo bilaabay cashardayda xumaa mantana waa qalinjebinteydii oo waxaan fadhiyaa kursigii geerida waana halka aan kaga qalin jebinayo casharadii aan soo qaatay oo dhan, waxaa sugayaa in madaxyga lagu qarxiyo danba koronta, Hooya markaas waxaan kaaga baahnaa inaad i barto wadada hagaagsan oo aad i hanuuniso.
Hooya marka aad shekadeyda aqriso waxaa dhex jiifa qabriga laakiin tani waa sheeka xaqiiqa ah oo hooya wiilkeeda jecel qabriga ku geysay.
Dhamaan waalidiinta caalamka, gaar ahn kuwa caruurtooda u jecel sida Hooyadeey waxaan leeyahay ” jeclaada caruurtiina, laakin ha hilmaaminaha akhlaaqdooda iyo toosintooda.
Hooyadii Hagaagsani ubadka wey hagaajisaa