Home Afsomali Baydhabo hal diyaarad ka badan kama dagi karto yaab anukaa aragnay

Baydhabo hal diyaarad ka badan kama dagi karto yaab anukaa aragnay

Water cannons are deployed as Jet Blue Flight 387 departs from Fort Lauderdale International Airport, for Santa Clara, Cuba, inaugurating the first regularly scheduled commercial flight between the U.S. and Cuba in more than half a century, in Fort Lauderdale, Florida August 31, 2016. REUTERS/Joe Skipper

Maamulka Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa amray in diyaarado rakaab siday oo ka baxay Muqdisho saaka, oo ay lahaayeen shirkadaha Haala Airline iyo Blue Sky, inay dib ugu noqdaan halkii ay ka yimadeen ee garoonka Muqdisho xilli ay doonayeen inay ku dagaan Garoonka Shaati Gaduud.

Muqtaar Xaamud, xoghayaha AOC, oo la hadlay idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in diyaaraha Haala Airline iyo Blue Sky oo saakay ka duulay magaaladda Muqdisho marka ay gaareen Baydhabo lagu wargaliyay inaysan ka dagi karin garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Baydhabo ayna dib uga soo noqdeen magaaladda Muqdisho, iyaga oo sida rakaabkii Baydhabo.

Sidoo kale, madaxa Suuq geynta shirkadda Blue Sky Axmed Xuseen Xasan ayaa sheegay in dadweynihii rakaabka ahaa ee ka tegi lahaa Muqdisho iyo kuwii kasoo bixi lahaa magaalada Baydhaba ay ku xayirmen labada garoon.

“Garoonka Baydhabo culays ayaa ka jira, aan caadi ahayn taas oo ah in wasaaradda gaaddiidka Koofur Galbeed in ay xanibaad ku soo rogtay diyaaraha Guddaha ee u kala goosha Muqdisho iyo Baydhabo si ka duwan caasimadaha dowlad-goboleedyada kale ee dalka,” ayuu yiri Muqtaar Xaamud.

“Laba diyaaradood oo ka kacay Muqdisho Airporta oo ah diyaaradaha ka diiwaan gashan wasaaradda gaadiidka Soomaaliya, sidayna dad Soomaaliyeed, ayaa markii ay dultageen garoonka diyaaradaha Baydhabo oo ay dagi lahaayeen ayaa lagu yiri ma dagi kartaane dib u laabta marka culayskaas ayaa jira,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sababta ka dambaysa in diyaaradaha la soo celiyo ayuu ku qeexay in wasaaradda gaadiidka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay dhawaan shaacisay in garoonka diyaaraha magaaladda Baydhabo maalinkii loo ogolyahay hal diyaarad oo rakaab ah “taas oo shacabku dhibaato ku qabaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.