Munaasabad lagu caleemo saarayo suldaaanka Beesha weyteen jidle oo magaalada Mandheere ee dhuka N.F.D
Suldaan maxamuud khaliif cali suldaanka beesha weyteen jidle xaflada lagu caleema saareyay waxaa kasoo qeybgalay madax kala duwan oo katirsan dowlada Kenya ugaasyada beelaha soomaalida degta waqooyi bari Kenya maamulada kala duwan ee waqooyi bari xildhibaano katirsan dowlada Kenya iyo maamulka magaalada mandera qurbajoogta beesha weyteen jidle
Suldaan maxamuud khaliif oo ah rug cadaa siyaasadeed oo dhaqanka aad ukala yaqaana ayaa dhawaan gudi beesha ay go aamisay loogartay inuu beesha weyteen jidle uu unoqdo suldaankooda dhaqanka
Beesha uu suldaanka uyahay maxamuud khaliif cali wayteen jidle ayaa degta afar wadan oo bariga afrika sida Kenya itoobiya jabuuti iyo soomaaliya
Beesha ayaa horey ulahayd ugaas cali ugaas nuure oo lafilayay in xaflada caleema saarka suldaanka inuu kasoo qaybgalo balse sababo dhinaca amaanka magaalada mandera dhawaan dhacdooyinkii kadhacay darted loo baajiyay isagoo kusugan dalka itoobiya gaar ahaan magaalada jigjiga
Arintan suldaan maxamuud khaliif cali caleema saarkiisa ayaa kadanbeysay kadib markii dowlada Kenya ay dhawaan kudhawaaqday beelaha soomaaliyeed ee daga waqooyi bari Kenya inay layimaadaan hogaan dhaqan oo beel waliba lagala xisaabtamo