Home Afsomali FBI iyo CIA. oo diinsoor ka baadi goobaya nin cidii soo sheegto...

FBI iyo CIA. oo diinsoor ka baadi goobaya nin cidii soo sheegto ay u balan qaadeen aduun lacageed oo ku fi;an

Gobolka Bay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Xalay Saq lagu daadiyey waraaqo lagu baadi goobayo nin u dhashay Mareykanka oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Waraaqahaan oo lagu daadiyey Magaalada Diinsoor ayaa waxaa lagu raadinayey nin lagu magacaabo Jehad Serwan Mustafa oo u dhashay Mareykanka kana tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa waxaa madaxiisa la kor dhigay lacag 5 Malyan ah oo la siin doono cid kasta oo keento xogtiisa sida lagu qoray waraaqahaas lagu daadiyey Magaalada Diinsoor.

Dadka ku nool Diinsoor ayaa saakay waabarigii kusoo toosay waraaqahaan oo lagu daadiyey inta badan Magaalada, waxaana la rumeysan yahay inay soo daadiyeen diyaarado Mareykanka laga leeyahay oo Xalay Saq dhexe kor heehaabayey Diinsoor.

Warqadaan ayaa lagu sheegay tilmaamo lagu garan karo ninkaan, waxaana kamid ah inuu nabar weyn ku leeyahay gacanta middig, Indho Buluug ah, sidoo kalana uu yahay nin ku hadli karo luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Soomaaliga.

Dowladda Mareykanka ayaa Bishii December ee sanadkii 2019 sheegtay inay Jehad Serwan Mustafa madaxiisa kor dhigtay lacag 5 Malyan oo Dollar.

Jehad Serwan Mustafa ayaa la rumeysan yahay inuu hadda yahay qofka Mareykanka ah ee ugu darajada sareeyo gudaha Al-Shabaab.

Ninkaan oo ah 39 jir ayaa wuxuu ku dhashay Gobokka Wisconsin ee dalka Mareykanka  28 December 1981,  waxaana muddo ku raad joogto Hey’adaha Sirdoonka Mareykanka ee FBI iyo CIA.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli wax war ah kasoo saarin waraaqaha ay Diyaaradaha Mareykanka ku daadiyeen Diinsoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.