Home Afsomali Bolice ka hindiya oo xabsiga dhigay nin meydka hooyadii 3 sano guri...

Bolice ka hindiya oo xabsiga dhigay nin meydka hooyadii 3 sano guri ku heystay

Booliiska dalka Hindiya ayaa sheegay in ay xireen nin maydka hooyadii Fiirinjiyeer ku hayay muddo saddex sano ah.

Eedeysanahani oo lagu magacaabo Subhabrata Majumdar ayaa maxkamad la soo taagay isaga oo lagu eedeeyay in maydka uu ku riday qaboojiye isaga oo sidoo kale la galiyay goobtaasi waxyaabo Kimiko ah.

Waxa ay booliiska imika baarayaan in qofkani la tuhunsan yahay uu maydka u haystay si ay ugu suuragasho in uu helo lacagta howlgabnimada hooyadii ka dib markii ay dhimatay.

Waxa uu sidoo kale ninkani u muuqdaa in uu rumaysnaa in hooyadii ay dib u dhalanayso haddii uu maydkeeda dhowro oo uu qaboojiye ku hayo.

“Waxa aan helnay dhowr Joornaal oo ka hadlaya maydadka qaboojiyayaasha lagu hayo iyo buugaag ka hadlaysa in dadka maydka ay dib u dhashaan,” waxaa sidaasi BBC u sheegay askari ka tirsan booliiska.

Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in ay guriga ninkani ay u dhaceen ka dib markii qof aysan aqoon uu soo wacay Arbacadii.

“Waxa aan helnay meydka haweenaydan oo dhex yaalla Firintijeer wayn, waxaa la mariyay waxyaabo Kimiko ah,” ayay booliiska intaa ku dareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.