Home Afsomali Bolice-ka Muqdisho oo sheegay in ay baadi goob ugu jiraan nin gacan...

Bolice-ka Muqdisho oo sheegay in ay baadi goob ugu jiraan nin gacan ku dhiigle ah oo baxsaday

Afayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka uu ka baxsaday Askarigii Labo maalin ka hor qof shacab ah ku dhax dilay Saldhigga degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir.

Afayeenka ayaa sheegay in Askariga ay marka hore qabteyn Ciidanka ka dibna uu rasaas ku furay kana fakaday waxa uuna sheegay in ay maalmahaan ku raad joogeyn balse ay waayeen.

Booliiska ayaa dalbaday in lala soo wadaago Xogta Askarigaan gudo iyo Dibadba sidoo kalane waxa ay cadeeyeen in ay la wadaageyn Booliska Caalamiga ah ee Interpol laguna raad joogo hadii uu wadanka ka baxo.

Askariga baxsaday ayaa Saldhigga degmada Heliwaa dhaxdiisa Labo maalmood ka hor ku dilay Marxuum Abshir C.llaahi Cali oo aan wali Meydkiisa la aasin waxayna Waalidiinta Marxuumka sheegeen in askariag uusan baxsan laakiin la sii daayay Islamarkaana aysan aasi doonin ilaa ay Cadaalad ka helaan.

Habeen ka hor ayaa waxaa Saldhiga Booliiska degmada Hurwaa ee Gobolkaan Banaadir lagu dhex dilay Qof Shacab ah,kaas oo lagu eedeeyay dilkiisa in uu amray taliyaha Saldhiga degmadaas.

Cabashada ka timid Ehelada Marxuumka la dilay oo lagu Magacaabai jiray Abshir Cabdullaahi Axmed oo aheyd in aan la aasi doonin Meydka ilaa laga soo qabto qofkii ka dambeeyay dilkaas ayaa waxa ka jawaabay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

dhanka kale Wareegto ka soo baxday Xafiiska Cabdixakiin Daahir Siciid Saacid,ayaa marka hore waxaa looga tacsidayeeyay Marxuumka Eheladiisa in uu samir iyo Iimaan Eebe ka siiyo.

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu amray in ay Ciidamadu Gacanta ku soo dhigaan cid alaala iyo cidii ka dambeeysay dilkaas hadii uu joogo Muqdisho iyo hadii uu joogo Gobolada dalka intaba.

Wareegtada ayaa waxaa Warabahinta u Akhriyay Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.