Booliska Kenya ayaa qabtay ganacsade lala xiriirinayo hubkii dhawaan lagu qabtay dekadda magaaladda Muqdisho, kaasoo dowladda Federaalka sheegtay inuu kusii jeeday Al-Shabaab.
Ganacsadaha oo lagu magacaabo Zakariye Kamal Suufi, ayaa hub iyo walxo qarxa uga soo iibiyay Al-Shabaab dalka Shiinaha, wuxuuna kusii dhex-qariyay badeecooyin kale si aan looga shakin marka uu Soomaaliya usii dirayay.
Hay’adda dembi-baarista Kenya ayaa Soomaaliya iyo Shiinaha u dirtay Saraakiil baaritaan ku sameeyay kiiskan, waxaana ay soo heleen xogta kunteenarada lagu qabtay Dekadda Muqdisho bishii May iyo cida soo iibisay.
Kadib markii ay hay’adaha amniga Kenya heleen macluumaadka hubka oo soo maray Dekadda Mombassa, waxay gacanta ku dhigeen ganacsade Zakariye Kamal, oo ah ninka ku qornaa labo kunteenar oo NISA qabatay.