Home Afsomali Booliiska Hirshabelle oo fashiliyay Qarax nooca Miinada dhulka oo lagu aasay gudaha...

Booliiska Hirshabelle oo fashiliyay Qarax nooca Miinada dhulka oo lagu aasay gudaha Degmada Balcad.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Hirshabeelle ay fashiliyeen Qarax nooca Miinada oo lagu aasay gudaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Ciidanka Booliska Dowladda Captain Saciid Doodishe ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas Miinada ee lagu aasay Balcad la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka deegaanka degmadaas.

sheegay in Nin la tuhusan yahay inuu ka dambeeyay falkaas laamaha amniga Hirshabeelle ay gacanta ku dhigeen, ayna ku socdaan baaritaano kala duwan.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa bogaadinaya Booliiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo 12-ka Jun-2020 abaare 06:00AM fashiliyay Miino nuuca boodda ah, oo dhagar qabayaashu ku aaseen gudaha Degmada Balcad jihada waqooyi, Eedeysanihii lagu tuhmayna gacanta ayaa lagu dhigay iyadoo ay baaristu socota,hadii ay ku cadaato Cadaalada ayuu wajihi doonaa” ayaa lagu yiri Qoraalka Afhayeenka Ciidanka Booliska.

Dhinaca kale Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa saakay ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.