Home Afsomali Boolis xabsiga dhigay Nin la sheegay inuu naftiisa beecinayey isagoo wata boor...

Boolis xabsiga dhigay Nin la sheegay inuu naftiisa beecinayey isagoo wata boor uu isku beecinayo, lacag gaareysa US $25,000.

Aliyu Na Idiris oo 26 sano jir ah ayaa la dhigay xabsiga ka dib markii uu ku shaaciyey Baraha Bulshada inuu yahay beec.

Booliiska dalka Nigeria ayaa sheegay iney arrintani ay ka dhacdey gobolka Kanu, ee ka dhaca dhanka waqooyi ee dalkaas

Caliyu Na Idiris, ayaa ku dhex wareegayey magaalada, isagoo wata boor uu isku beecinayo, lacag gaareysa US $25,000.

Waxaa uu sheegay iney heysato xaalad xun oo dhaqaale, isagoo markaa tilmaamey inaanu laheyn ikhtiyaar aan aheyn inuu naftiisa iibiyo.

Wuxuu carabka ku dhuftey iney jiraan dad u soo gudbiyey qiimo gaaraya US $20,000, balse uu iska diiday.

Taliyaha ciidanka ku shaqeeya nidaamka Islaamiga, Sheekh Harun Ibnu Sina, ayaa sheegay in Islaamku aanu oggoleyn in qofku is beeciyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.