Home Afsomali Booliska Gobolka Bari oo shaaciyay in sharciga la horgeynayo xubno ka Tirsan...

Booliska Gobolka Bari oo shaaciyay in sharciga la horgeynayo xubno ka Tirsan Daacish oo isa soo dhiibay

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland  Gaashaanle  Sare C/qaadir  Jaamac  Dirir  ayaa sheegay in isa soo dhiibeen 12 xubnood oo ka tirsan Kooxda Daacish kuwaas oo baaritaano ay ku socdaan.

Sidoo kale, Taliyaha Booliska Gobolka Bari ee Puntland  ayaa  sheegay in Raggaan Tirsan kooxda  Daacish ee isasa soo dhiibay dhawaan sharciga horgeyn doonaan.

Hay’adaha  Amniga Puntaland ayaa maalmihii la soo dhaafay Hawlgalo ka waday Buuraha gobolka Bari si ay ug hortagaan Weeradada ay halkaas ka soo Abaabulaan Alshabaab iyo Daacish.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.