Home Afsomali Booliska Soomaaliya oo ku dhawaaqay in la soo afjaray weerarkii Hotelka Xayaat

Booliska Soomaaliya oo ku dhawaaqay in la soo afjaray weerarkii Hotelka Xayaat

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed janeraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Xayaat oo kuyaalla Aaga isgoyska km4 ee magaalada Muqdisho, kaas oo in a badan 30 saacadod ay ka dhex dagaalamayeen Xuno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliye Xijaar oo Shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Bartmaha Isgoyska KM4 ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe la soo afjaray howlgalkii ka socday Hotelka Xayaat, isla markaana khasaaraha ka dhashay weerarka uu ku koobaan markii uu dhacay kaliya.

Taliyaha oo aan sirasmi ah u shaacin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarka ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan faah faahinta, hayeeshee Ciidamada amniga ay soo badbaadiyeen ilaa 106 Ruux oo ay Carruur kujiraan.

Ugu dambeyn Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaan ka hadlin sida uu weerarka u dhacay iyo kooxdii weerartay hotelka, isaga oo diiday in su’aalo la weeydiiyo.

In kastoo xaaladda hotelka la weeraray ay xilligaan tahay mid caadi ah ayaa hadana waxaa hotelka gaaray burbur xoogan kadib markii ciidamada dowladda ay ku garaaceen hubka culus culus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.