Home Afsomali Boqorka Ingiriiska oo laga helay Nooc ka mid ah Cudurka Halista ah...

Boqorka Ingiriiska oo laga helay Nooc ka mid ah Cudurka Halista ah ee Kansarka

Qasriga looga arrimiyo Boqortooyada Ingiriiska ee Buckingham Palace ayaa Isniinti shalay aheyd ku dhawaaqay, in Boqorka Boqrtooyada Midowday ee Ingriiska ee Boqor Charles laga helay nuuc ka mid ah cudurka Kansarka.

War kasoo baxay Qasriga Boqortooyada ayaa lagu sheegay, in Boqor Charles uu hakin doono howlihi uu u hahay shacabka si loo daweeyo, balse ay niyaddiisu wanaagsan tahay.

Charles, oo 75 jir ah ayaa loo boqray boqortooyada bishii September ee sannadki 2022-ki, kaddib geeridi hooyadiis Queen Elizabeth. Warka kasoo baxay boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Charles uu billaabay in uu qaato dawooyin dhowr ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo kansarka laga helay, isla markaana uu rajeynayo inuu dib ugu soo laabto shaqadi uu u hahay dadweynaha sida ugu dhaqsaha badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.