Home Afsomali Boqortooyadii Geledi ee inta badan ka talin jirtay Koonfurta Soomaaliya qarinigii 1700...

Boqortooyadii Geledi ee inta badan ka talin jirtay Koonfurta Soomaaliya qarinigii 1700 ilaa gumaystaha dalka qabsaday


Boqortooyadii Geledi ee inta badan ka talin jirtay Koonfurta Soomaaliya qarinigii 1700 ilaa gumaystaha dalka qabsaday waxay lahayd astaan calan iyo maamul dowladeed, Baarlamaan iyo fulin.

Maktabadaha aduunka ugu waaweyn ee lagu keeydiyo taariikhda Soomaaliyeed iyo Sawiradooda waxaad ka arkeeysaa marka uu sultaanka la kulmaayo ajanabiga in laga hor wado astaan calan ee Soomaalida gaar u lahayd.

Labada sawir midka hore waa marka uu sultaanka furaayay isbitaalka Martini ee Mogadisho waxaa ciidankiisa ayka hor wadaan calan, midka kale waa markii la soo af-jaraayay dagaalkii dheeraa ee Lafoole ama hore loo oran jiray “ LAFO GAALO” ee socday 20 sano, waxaa sultaanka gadaashiisa taagan calan iyo ciidan.

Tani waxay ka marqaati kaceeysaa in Somaalida ay hore u lahaayeen astaan dowladnimo iyo calan gumaystaha ka hor, waana taariikh umadda Soomaaliyeed oo ayku faani karto, waayo umadda Soomaaliyeed ma aysan ahayn gumaystaha ka hor dad cawaan qaawan uu isaga ilbixiyay.

 

N.B:
Saaxibow Prof.Yaxya, markii Xamar Boqortooyada maamuleysey, ay maasharicda ka fureysey idinku Xalkeed jirteyn. Xamar waxay tarsaneed maamul Boqortooyada Somali dhan ayeyo ka dhaxeysaan, sida adiga laguu soo dhaweeyi Somali dhan loogu soo dhaweyna sida XAMAR malaha waa magalo madaxda Somaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.