Booliska Britain ayaa xabsiga u taxaabay oo dacwadna ku soo oogay saddex nin oo u dhashay dalka Bulgaria oo looga shakisan yahay inay u basaasayeen Ruushka.
Labo nin iyo qof oo dumar ah oo la xiray bishii February, ayaa lagu hayaa xabsiga tan iyo xilligaas.
Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inay haystaandukumenti aqoonsi ay ulajeeddo aan habboonayn ka lahaayeen.
Dukumeentiyadan oo isugu jira baasabooro iyo warqado aqoonsi ayaa la sheegay in loogu talagalay in lagu tago wadamo badan oo Yurub ku yaallo.