Caasimada Ukraine shacabki oo hubka loo qeybiyay iyo Burburka diyaaradaha ruushka oo dhulka daadsan
Askari baaraya haraadigii diyaaradii lagu soo riday magaalada Kyiv
Qaraxyo dhowr ah ayaa hadda laga maqlay magaalada Kyiv, halkaasoo ay hadda ka socdaan duqeymo xooggan.
Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in 18,000 oo qoryaha daran dooriga u dhaca loo qaybiyay mutadawiciin doonaya in ay duullaanka Ruushka
Muuqaalo laga soo duubay duqeymaha maanta ayaa muujinayay gaadiidka gaashaaman oo ku sii siqaya degmooyinka waqooyi ee magaalada.
Dalalka Midowga Yurub ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Vladimir Putin iyo wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov.
Saxaafadu waxay fahamsan tahay inay tahay cunaqabateyntani xannibaad dhanka dhaqaalha ah oo aanay ahayn mamnuuc dhanka safarada ah.
Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa wacad ku maray inuu difaaci doono madax banaanida dalkiisa uu ku soo duulay Ruushka.
Dhanka kale gaashaanbuurta Nato ayaa sheegtay in kumanaan askari oo dheeraad ah ay geyneyso bariga Yurub
Dad badan ayaa ka qaxaya dalka Ukraine kuwaa oo firxad ku galay wadamada la deriska ah
Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya dagaal xooggan oo ka socda magaalada Melitopol.
Wararka ayaa sheegaya in muuqaalkan uu muujinayo qeybta daawaynta kansarka ee isbitaal halkaasi ku yaalla oo lagu dhuftay walxaha qarxa.
In kasta oo barta twitter-ka ee muuqaalka la soo dhigay ay eedaynayso “ciidamada Ruushka”, haddana lama xaqiijin cidda soo ridday hubka gabay goobtaasi.