Home Afsomali Cabdi weli Maxamed Gaas oo Afhayeen u Magacaabay Cabdulaahi Sheikh Xasan

Cabdi weli Maxamed Gaas oo Afhayeen u Magacaabay Cabdulaahi Sheikh Xasan

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Isgaashiga dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa siyaasiga Cabdulaahi Sheekh Xasan oo ah Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed loogu magacaabay Afhayeenka Golohaasi.

Sidoo kale War-saxaafadeedan ayaa waxaa la Ogeysiiyay dhamaan madaxa maamul Goboleedyada sida Galmudug, Puntland,Koonfur Galbeed iyo Jubbaland halka aan lagu soo darin maamulka Hir-Shabeelle.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Candi well Gaas ayaa sidaan ubqoran

Siyaasiga Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa waxa uu hadda yahay Wasiirka Dastuurka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,isagoo noqaya Afhayeenka cusub .

Golaha Isgaashiga dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa horey u laheyn waxa Afhayeen ah,isla markaana u hadli jiray xoghayaha Golahaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.