Home Afsomali Cabdikariin Mooge: Hantida Suuqa Hargeysa ku gubatay waa $1.5 Bilyan ilaa $2...

Cabdikariin Mooge: Hantida Suuqa Hargeysa ku gubatay waa $1.5 Bilyan ilaa $2 Bilyan.

Guddiga Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u xilsaaray qiimeynta khasaaraha ka dhashay Dabka ka kacay Suuqa Hargeysa 1dii April 2022 ayaa soosaaray warbixin hordhac ah oo kusoo bandhigeen qiimaha hantida gubatay.

Xubnaha Guddiga oo wadajir Warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in Hantida ku gubatay Dabka ay u dhaxeyso $1.5 Bilyan ilaa $2 Bilyan balse xog baaristooda weli ay socoto si uu Guddigu uga salgaaranaya howsha uu ku howlan yahay si loo ogaado qiimeynta oo dhammeystiran.

Cabdikariin Axmed Mooge oo ah Duqa Hargeysa ahna xubin kamid ah Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Warbaahinta u sheegay in Guddigoodu uu qiimeynta hordhaca ah ku ogaaday khasaaraha ka dhashay dabka baabi’iyay Suuqa Hargeysa.

“Sida ay sheegtay xog-uruurin hordhac ah, dhibkii iyo khasaaraha uu sababay musiibadii halkaan ka dhacday waxaa lagu qiimeeyay in ay u dhaxeyso hal bilyan iyo badh ilaa labo bilyan oo dollar waana qiimeyn hordhac ah” ayuu yiri Duqa Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo xubin ka ah Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in ay diyaariyeen koontooyin lacagaha deeqda ah lagu shubi karo si loo gacansiiyo Ganacsatadii ku hanti beeshay Dadka Saacabadaha badan gubayay qaybaha kala duwan ee Suuqa Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.