Home Afsomali Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Deeq bixiyaasha Caalmka dhaqaale weydiisatay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Deeq bixiyaasha Caalmka dhaqaale weydiisatay

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Abdirahman Abdishakur Warsame, ayaa waddanka Switzerland kaga qaybgalay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee golaha IOM.

Kalfadhigaan ayaa inta uu socdo waxaa diirrada lagu saari doonaa isbeddelka cimilada, haqab-beelka cuntada iyo barakaca oo saameyn weyn kuleh dadkeenna Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay madasha furritaanka kalfadhiga IOM ayaa ka codsaday deeq bixiyaasha caalamiga ah in laga taageero waddankeena la qabsiga isbeddelka cimiladda iyo dhicitaankiisa intaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan taageero dhinacyo badan ka dalbatay deeq bixiyaasha caalamka iyo waddamada taageera Soomaaliya, waxaana aad u yar waddamada sida dhabta ah uga soo jawaaba codsiyada loo gudbiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.