Home Afsomali Dhageyso Cabdiwali Muudeey oo Sheegay Inuu Yahay Ku Simaha Sharciga ah ee...

Dhageyso Cabdiwali Muudeey oo Sheegay Inuu Yahay Ku Simaha Sharciga ah ee Gudoomiyaha Baarlamaanka fasaxiina ka qaaday Xildhibaanada xili uu dalka Joogo gudoomiyihii ay xildhibaanadu horey u doorteen ee Jawaari

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muuday oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa baaq u diray xubnaha baarlamaanka Soomaaliya katirsan ee ku maqan dalka dibadiisa.

 Shirka jaraaid ee uu Saxaafada kula hadlay Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muuday Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Soomaliya ayaa sheegay in xildhibaanada ka maqan magaalada iney yimadaan.

Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muuday oo sii hadlayay ayaa waxaa uu yiri.

“Marka hore xildhibaada maqan waa iney soo  xaadiraan si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah, Qof kasta oo fasax lahaa waan ka qaaday fasaxii aniga oo ah ku simaha gudoomiyaha baarlamaaka”

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muuday ayaa shirkiisa jaraaid waxuu kaga hadlay arimo badan oo quseeya mooshinka ka dhanka ah mudane Jawaari.

Hoos Ka Dhageyso Shirka jaraaid ee Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.