Home Afsomali Cabdulaahi shiilow oo ka tagay shaqadii Dowlada kuna biirey xulafada Mucaaradka

Cabdulaahi shiilow oo ka tagay shaqadii Dowlada kuna biirey xulafada Mucaaradka

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiilow ayaa kamid noqday masuuliyiinta diidan muddo korarsiga MD Farmaajo.

Guddoomiyaha oo aan la hadlay, ayaa ii sheegay in uusan diyaar u aheyn ka qeyb qaadashada burburinta Muqdisho iyo diwladnimada Soomaaliya, islamarkaana uu go’aansaday in uu diido muddo korarsiga.

Qoraalkaan ayuu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Si loo badbaadiyo Qaranimadeenna, Madaxwayne Is-casil oo dalka iyo dadka soomaaliyeed u tur!!

Ogoow madaxwayne, Kuwa kugula talinaya inaad sii dagaallanto waxay doonayaan guul-darradaada.

Reer Muqdisho waxay kuu galeen abaal ee haku noqon abaal-dhaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here