Musharax Xildhibaan Qaran, Cabdulqaadir Gaafow Maxamuud, oo gaaray magaalada Cadaado ee caasimadda KMG ee maamul gobaleedka Galmudug State, ayaa waxa uu kala hadlay Warbaahinta qorshaha uu u tegay cadaado, iyo siyaasadiisa Mustaqbalka.
Mudane Cabdulqaadir Gaafow Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in uu u sharaxn yahay in uu kamid noqdo aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya 2016-2020, si uu qeyb uga noqdo howlaha horumarinta dalka, maadaama dalku uu waji cusub gelayo ayna lagama maarmaan ku tahay cid kasta oo dooneysa in dalku hagaago ay u istaagto wadadiii wax lagu hagaajin lahaa.
Cabdulqaadir Gaafoow ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in uu dalka ugu soo laabtay in uu umadiisa u adeego, isaga oo rajeeyay in la dooran doono si uu u guda galo howlaha u adeegidda dalka iyo dadka uu matalo.
Musharax Xildhibaan Qaran, Cabdulqaadir Gaafow Maxamuud, ayaa waxa uu sanaddo badan ku noolaa dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Kanada, waxa ayna dadka yaqaan sheegeen in hadii shaqsiyaad badan oo sidiisa oo kale ah ay baarlamaanka soo galaan in la heli doono aqal hoose oo shaqo badan qabta.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
More VIDEOS https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0