Home Afsomali Calanka Shiicada oo laga taagay siyaaro sanadle ah markii ugu horeysay

Calanka Shiicada oo laga taagay siyaaro sanadle ah markii ugu horeysay

Mashaa’iqda iyo culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ee ka qeyb galay siyaaraddii caalimkii Sheekh Cabdi Celi oo guud ahaan gobolada Soomaaliyeed la isaga yimaado siyaaraddiisa laguna qabto degmada Warsheekh ayaa sanadkaan mashaa’iqdii iyo dadkii kasoo qeybgalay ay fajac ku noqotay in laga taago calanka Shiicadda ee “Yaa Xuseen”.

Waa halis iyo dhaawac diimeed oo kusoo fool leh guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in loo soo maro xarumihii diimeed ee taariikhiga iyo cilmiga laga soo aflaxay.

Siyaaraddii Sheekh Cabdi Celi oo ku beegneyd bishii hore ee Zako ayaa dadkii ka qeybgalay bannaanbixii siyaaraddii ay mar qura ku baraarugeen in calankii Shiicadda laga taago barxadii bannaanbaxa siyaaradda, taasoo fajaciso ku noqotay culumadii iyo dadkii kale ee kasoo qeybgalay.

Calanka Shiicada oo astaantisu tahay Gaduud dhexda ugu qoran يا حسين ayaa markii qaar ka mid ah dhasha culumo ee la qadariyo ee xerta Warsheekh dadkii lasoo dhex galeen calankaasi waxaa ka dhashay buuq iyo in dadkii ka qeybgalay hoos ka guuxaan iyadoo arrintaani ay noqotay mid kala qeybisay culumada iyo dhasha Sheekh Cabdi Celi.

Arrintaani ayaa loo arkaa inay tahay mashruuc cusub oo mad’da’a shiicada lagu gaarsiinayo xerta iyo cid kasta oo ka qeybgashay siyaaraddii Sheekh Cabdi Celi. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dhasha culumo ee degmada Warshiikh lasoo marsiiyay mashruuc cusub oo ka yimid Shiicadda, taasina ay keentay in si bayaxan calanka Yaa Xuseen laga taago siyaaradda Sheekh Cabdi Celi.

Dadkii ka qeybgalay siyaaradda iyo intii daawaday ayaa aad ugu xumaadeen in Siyaarada Sheekh Cabdi Celi oo la ogsoon yahay in uu udub dhexaad u ahaa faafinta diinta iyo soo saarista mashaa’iq kala duwan oo ka aflaxay mowlacyadii Sheekha in xiligaan Shiico lala xerto oo calankoodii Warsheekh laga taago.

Arrintaani ayaa waxay dhaawacaysaa sumcadda iyo kaaramadii magaca Sheekh Cabdi Celi oo guud ahaan

bulshada afka Soomaaliga ku hadasha ay ixtiraam iyo sumcad ay u hayaan, sanad walbana dhulka Soomaaliyeed looga wada yimaado siyaaraddiisa.
Sidoo kale kook ka tirsan xerta Sheekh Cabdi Celi ayaa iyagoo wata calanka Shiicadda waxay damceen inay la galaan madxafka degmada Shibis oo kulan diineed uu ka socday, balse laga hor istaagay inay la galaan calanka, halkaasina uu buuq iyo kalsooni daro ay soo kala dhex gashay xertii labada dhinac.

Qaar ka mid ah culumada degmada Warsheekh ayaa inoo xaqiijiyay in tallaabadani ay xerta Sheekha iyo bahwadaagtooda ay ku kala qeybsameen, haddii aan xal lag gaarina faraha kasii bixi doonto oo mabd’a Shiicadda uu baabi’in doono raadkii taariikheed ee Sheekh Cabdi Celi iyo taariikhda diineed ee degmada Warsheekh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.