Home Afsomali Cali Guudlaawe oo aqoonsi degmo siiyey degaan ka tirsan Hirshabelle

Cali Guudlaawe oo aqoonsi degmo siiyey degaan ka tirsan Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray Magaalada Al-kowsar ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay halkaas.

Madaxweynaha oo socdaal dhiirigalin ah ku maraya furimaha Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanada ayaa waxaa bartamaha Magaalada kusoo dhoweeyay Senator Axmed Maxamed Cali Afcadeey, Waxgaradka Magaalada iyo boqolaal dadweyne ah

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay bulshada sida diiran ugu soo dhoweeysay Magaalada isagoo ku amaanay sida geesinimada leh ay isaga xoreeyeen kooxda alshabaab iyo garab istaaga ay u muujiyeen qeybaha kala duwan ee Ciidanka.

Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayay bulshada ayaa ku dhawaaqay in maanta wixii ka dambeeya Alkowsar ay ka mid tahay degmooyinka Dowladda Hirshabeelle deg degna loo dhameystiri doono adeegyadii muhiimka ahaa sida fulinta mashaariicyada horumarinta.

Madaxweynaha ayaa shacabka Degmada Alkowsar iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u soo baxaan dhameystirka haraadiga cadowga alshabaab oo maraya marxaladoodii ugu dambeysay ee looga ciribtirayo dalka.

 

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.