Home Afsomali Cali Guudlaawe oo ka degay Baladweyne iyo Madaafiic lagu garaacay garoonka

Cali Guudlaawe oo ka degay Baladweyne iyo Madaafiic lagu garaacay garoonka

Madaxweynaha dowlada goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo wefdi balaaran oo la socday ayaa goordhaw gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan , halkaas uu ku tagay safarkiisii ugu horeeyay isaga oo Madaxweyne ah.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif waxa akusoo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle iyo wefdigiis masuuliyiin kala duwan uu ugu horeeyay Madadxweyne kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed iyo xubno kale oo badan.

Cali Guudlaawe iyo wefdigiisa ayaa loo galbiyay gudaha magaalada Baladweyne halkaas uu kulamo kula qaadan doono masuuliyiinta magaaladasai horey u joogtay iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

Kooxaha kacdoonka ee kasoo horjeeda Madaxweynaha Hirshabelle ayaa la sheegay in madaafiic iyo rasaas kale ku rideen garoonka diyaaradaha Ugaas Kahliif inta uusan kasoo degin Cali Guudlaawe.

Lama oga in wax khasaaro ah ka dhasheen madaafiicda lagu weeraray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, waxaana wali xiisad iyo xaalad kacsanaan ah ka jirta qeybo kamid ah magaalada Baladweyne.

Ciidamada Gorgor iyo kuwa booliiska ee Haramcad ayaa xiray inta badan wadooyinka magaalada Baladweyne, waxaana maanta gabi ahaan xiran ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqyadii kale ee magaalada ka jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.