Home Afsomali Cali Jeeb ku jire oo kala eryey Shir ay kooxda Xaraash qaran...

Cali Jeeb ku jire oo kala eryey Shir ay kooxda Xaraash qaran Muqdsiho ku lahaayeen

Maamulka gobolka Banaadir ayaa joojiyey munaasabad lagu qaba laha galabta Hotel ku yaalla Muqdisho taasoo la damacsanaa in looga dhawaaqo Gole la magac baxay Badbaadada Galmudug.

Golahan oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin iyo Saraakiil ciidan ayaa ah Gole mucaarad ah oo ka dhan ah Maamulka Madaxweyne Qoorqoor, waxaana xubnaha golahan horboodaya ka mid ah Axmed Macalin Fiqi oo dhowaan iska casilay Wasiirka amniga Galmudug.

Ciidamo uu wato Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa joojiyey xafladaas oo galabta ka dhici laheyd Hotelka Afrika, iyagoo maamulka hotelka amar ku siiyey in la joojiyo munaasabadaas.

Inta aan joogno Gobolka Banaadir ma aqbali doonno in kuwa muuqda iyo kuwa dhuumanaya ee dhabarkoodu muuqdo ee Galmudug ku soo fashilmay in iyagoo Gobolka Banaadir jooga ay halkaan ka dumiyaan Maamulka Galmudugtii iyaga oo shalay diidanaa aan dhismaheeda dhibka badan ka soo marnay. Maamulada Hotelada iyo goobaha lagu kulmo ee Muqdisho waa in ay sidaas u ogaadaan” ayuu yiri Cali yare oo qoraal kooba soo dhigay baraha bulshada.

Cali yare ayaa xusay in dalku Doorasho aaday, loona baahneyn in dadka lagu mashquuliyo arrimo kale.

“Dalku doorasho ayuu aaday, qofkasta waa inuu iimaansado reerkiisa iyo wixii uu calaf u helo cataabkana la yareeyo oo adkeysiga la joogteeyo iyo in maanka lagu hayo in doorasho 30 maalmood soconeysa aan loo burburin Galmudug iyo madaxdeeda oo aan rabno in muddo dheer oo ah inta maamulku xoogeeysanayo sii jiraan” ayuu intaas ku daray Cali Yare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.