Cali jeeb ku jire oo shaaciyey in Amarka Wasaaradda Amniga ka shaqeyn Muqdisho
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo ay la qaateen odayaasha dhaqanka ee baajiyay banaan bixii lagu waday khamiistii la qabto.
Cali Yare ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka kala hadleen sababtii ay u diideen in banaan bax xiligan lagu qabto Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in banaan baxa u diideen sababo la xariira amniga iyo in aysan jirin sabab xiligan loo banaan baxo.
Waxa uu sheegay guddoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir in ammaanka shacabka Gobolka ay mas’uul ka yihiin, isla markaana uu amniga kala qiimo badan yahay in lagu saleeyo doorasho muddo kooban soconeysa