Home Afsomali Canada oo Soomaaliya ugu deeqday dhaqaalle gaaraya $26 milyan oo dollar

Canada oo Soomaaliya ugu deeqday dhaqaalle gaaraya $26 milyan oo dollar

Geeska Afrika waxa ka jira abaartii ugu xumayd in ka badan 4tii sano ee la soo dhaafay, Canada waxa ay aad uga walaacsan tahay saamaynta abaartu ku yeelatay dadka nugul ee markii horeba la daalaa dhacayay saboolnimada, amni-darrada iyo masiibada COVID-19.

Abaarta 2020 ilaa 2022 waxay hadda dhaaftay abaarihii foosha xumaa ee 2010 ilaa 2011 iyo 2016 ilaa 2017. Ilaa 50 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar cunto oo degdeg ah dalalka Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan iyo Sudan.

Maanta, Mudane Harjit S. Sajjan, Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah  ayaa ku dhawaaqay sida Kanada ay wax uga qaban doonto gaajada, nafaqo-xumada ba’an iyo walaacyada kale ee muhiimka ah ee dadka ay dhibaatadu saameysey si looga caawiyo ka hortagga macluusha Gobolka Geeska Afrika.

Wasiir Sajjan ayaa shaaca ka qaaday in lacag dhan 107 milyan oo dollar loo qoondeeyay gobolka weyn ee Geeska Afrika oo ay ku jiraan 25 milyan oo dollar oo Itoobiya loo qoondeeyay, $11 milyan oo dollar oo Kenya ah, $26 milyan oo dollar oo Soomaaliya loo qoondeeyay, $25 milyan loo qoondeeyay South Sudan iyo $20 milyan oo Sudan ah.

Maalgelintan ayaa qayb ka ah 250 milyan oo doollar oo maalgelin ah, oo uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau 23-kii Juun 2022, si wax looga qabto dhibaatooyinka sugnaanta cunnada ee adduunka, waxaana la siin doonaa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa aan dowliga ahayn.

Wasiir Sajjan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Canada ay ku bixin doonto lacag dhan $11.2 milyan muddo 3 sano ah Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, taasoo loogu talagalay barnaamij cunto nafaqeysan oo maalinle ah oo la siin doono in ka badan 32,000 oo arday oo iskuullo ah oo ku nool gobollada Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan oo ay ka jirto cunto yari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.