Home Afsomali Caraboow Cali Makaraan oo Miino Gaarigiisa loogu Xirey ay labada adin...

Caraboow Cali Makaraan oo Miino Gaarigiisa loogu Xirey ay labada adin ka geysay

????????????????????????????????????

Waxaa Goordhow degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ka dhacay ka dhacay qarax la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Nin Oday ah, waxana ka dhashay qaraxaas khasaaro.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen qaraxa uu ka dhacay Xaafada Xaawa Taako,isla markaana gaarigiisa loogu xiray Nin Magaciisa lagu sheegay Caraboow Cali Makaraan.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Shaqsiga Gaariga qaraxa loogu xiray uu ahaa Nin Oday ah oo dalaal ah halka dadka qaarkood ay sheegeen in uu ahaa Nabadoon.

 Xiliga qaraxa uu ka dhacayay ayaa waxa uu ku sugnaa Goob uu dhismo ka socdo oo ku taalla Xaafada Xaawa Taako ee degmada Wadajir,waxaana la sheegay in qaraxa uu labadiisa lugood ay uga go’een,isla markaana dhaawac halis ah lagu qaaday.

Ilaa saddex ruux oo kale oo Gariga la saarnaa ayaa la sheegay in ay qaraxaasi ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.